“Waxaan Mucaaridka Ugu Baaqayaa Inay Nabad-gelyadda Ilaaliyaan” Mujaahid Siciid Dalab..

0
422

Hargeysa (Dawan):  Mujaahid Siciid Jaamac Cali (Siciid-dalab) oo ka mid ah mujaahidintii    dalka u soo halgamay ayaa digniin u diray xisbiyadda mucaaridka ah oo uu sheegay in ay doonayaan in ay kursiga ku fadhiistaan hadana ay  hanjabayaan  oo ay dalka khal-khal gelinayaan.
 
Waxaanu ugu baaqay xisbiyadda mucaaridka ah in aanay colaad iyo dagaal ku hanan karin kursiga, isla markaana haddii ay dhibaato timaado  aanay cidna kursi heli Karin.
 
Mujaahid Siciid Dalab, oo shalay  DAWAN ugu waramay magaaladda Hargeysa,   ayaa sidoo kale waxa uu hambalyo u diray weftigii ka socday Somaliland ee qaadacay inay horfadhiistaan xubnihii ka socday dawladda Xamar, wada hadaladii todobaadkii hore burburay ee dalka Turkiga.
 
Waxaanu  sheegay in go’aankii  ay ergadda ka socotay Somaliland ku  qaadaceen inay horfadhiistaan xubno  uu danbiileyaal ku tilmaamay oo dhalasho ahaan ka soo jeedda  Somaliland  balse ka tirsan maamulka Xamar  in uu ahaa go’aan geesinimo leh.
 
Mujaahid Siciid Dalab, oo  ka hadlayay  arrinta shirkii  Turkiga ee burburay waxa uu yidhi “Marka hore waxaan salaamayaa shacbiga Somaliland, Madaxweynaha, iyo xukuumadiisa,    marka labaad waxaan hambalyo u dirayaa, weftigii wasiirrada iyo xubnaha kale isugu jiray ee Turkiga tegay ee ka socday Jamhuuriyadda Somaliland, ee hor fadhiisan waayay danbiileyaashii maamulka Banaadir soo diray, ee doonayay inay wadahadalkeena ka qaybgalaan   go’aankii ay weftigeenu ku qaadaceen wuxuu ahaa mid geesinimo leh, aad iyo aad ayaanan ugu hambalyaynayaa waanan ku taageersanahay go’aankaasi ay qaateen”.
 
Isagoo mucaaridka digniin u diraya waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan digniin u dirayaa xisbiyadda mucaaridka ah, ee doonaya inay kursiga ku fadhiistaan, ee hadana wadanka khal-khalka gelinaya ee hanjabaya. waxaan u sheegayaa mucaaridka  colaadi  faa’iido ma leh, qofna kursi ma helayo haddii ay colaadi timaado oo uu dadku qaxo oo ay dhibaato timaado,  nabadgelyo ma imanayso oo ninna kursi heli maayo”.
 
 
Dhinaca kale Mujaahid Siciid-dalab, ayaa digniin adag u diray cadowga Somaliland guddo iyo dibadba, meel kasta ha joogaane, ee faro-faraynaya jiritaanka qaranimadda Somaliland, isaga oo sheegay in ay weli joogaan raggii Somaliland u soo halgamay ee burburiyay dawladii macangaga ahayd ee Siyaad Barre, iyo sidoo kale dhallinyaro firfircoon aadna u badan, kuwaasi oo ku garaadaystay calanka Somaliland, isla markaana diyaar u ah inay ka difaacaan cid kasta oo ku soo duusha jiritaanka iyo gooni-isku-taaga Somaliland.
“Waxaan digniin u dirayaa dadka cadawga ku ah Somaliland guddo iyo dibadba meel kastaba ha joogaane, ee Jamhuuriyadda Somaliland jiritaankeeda iyo qaranimadeeda fara faraynaya, raggii wadankan u soo halgamay ee qabsaday way nool yihiin, dawladii Siyaad Barre ee quwadeedda la ogaa meesha ka saaray, oo weliba way sii shan jibaarmeen, dhalinyaro fiicfiican ayaa u kacday, oo Somaliland ku garaadsatay, oo aan calan kalena arag cid kalena arag” ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.
Siciid Jaamac Cali (Siciid-dalab) waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii u soo halgamay dib-ula-soo noqoshadda xornimadda Somaliland ee SNM, isagoo ka tirsanaa ciidamaddii lagu magacaabi jiray Sayid-Cali ee sanadkii 1984-ka soo baxay dugsigii tababarka ciidanka Awaaree, oo ku taalla gobolka Dhagax-buur ee dalka Itoobiya.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply