Madaxweynaha Namibia oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ibrahim Prize 2014

0
423

Addis Ababa  March 05/2015: Madaxweynaha Dalka Namibia Hifikepunye Pohamba ayaa loo magacaabay inuu ku guulaystay shahaadada Ibrahim Prise oo ah shahaado sanadle ah oo lagu abaalmariyo laguna dhiirrigeliyo  Madaxweynayaasha Afrikaanka ah ee dalalkooda ka muujiya isbedel dhanka nolosha dadweynaha iyo daryeelkooda ah.
Gudiga bixisa abaalmarinta ayaa sheegay in madaxweynaha Dalka namibia uu wax badan ka qabtay dib u heshiisiinta iyo midnimada shacabkiisa oo ay soo raacaan hagaajinta nadaamka dimuqraadiga iyo horumarinta dhaqaale, iyagoo arintaa ka hadlayana waxa ay sheegeen sidan: “President Pohamba waxa uu awoodda saaray sidii uu u dhisi lahaa midnimada shacabka namibia isagoo ku mideeyey dhinacyada dimuqraadiyada, bulshada iyo horumarinta, mudadii tobanka sanadood ahayd ee uu xilka hayeyna uu kasbaday kalsoonida shacabkiisa, isagoo ula dhaqmay sidii qof caadi ah.”
Abaalmarinta Ibrahim Prize ayaa qiimaheedu gaadhayaa 5 million oo lagu siinayo muddo toban sanadood ah gudahood iyo 200,000 USD oo sanad walba la siin doono, waxaana bixiya ururka Mo Ibrahim Foundation oo taageera wax ka qabashada baahiyaha guud ee bulshada, ururkaas oo uu maamulo Ibrahim Laureate, iyadoo sanadkii 2007 la aasaasay si ay u dhiirrigeliso Madaxda Afrikaanka ah ee xiliga ay xafiiska joogaan wax weyn ka qabta isbedel horumarineed oo bulshada wadankaasi ku tallaabsato.
Madaxweynaha Namibia Pohamba waxaa qaadashada abaalmarintan uga horeeyey Madaxweynaha  Mozambique Joaquim Chissano oo helay sanadkii (2007), Festus Mogae Madaxweynaha Botswana oo ku guulaystay sanadkii (2008) iyo Pedro Pires Madaxweynaha Cape Verde oo lagu abaalmariyey sanadkii (2011).
 
Sida la ogyahay, Madaxweynihii hore ee K/Afrika Nelson Mandela ayaa abaalmarintan qaatay sanadihii 2007.  2009, 2010, 2012 and 2013 .
 

Leave a Reply