Maxaa aad Ka Taqaanaa Cuntooyinka Deganaanta Keena?

0
563

Daraasad ay samaysay  jaamacad ku taala wadankaasi Maraykanka oo lagu magcaabo Stanford University ayaa lagu sheegay inay jiraan cuntooyin keena deganaanta qofku naftiisa ka dhigo mid degan, kuwaas oo kamid ah cuntooyinka inta badan dadku sida caadiga ah u isticmaalaan ama u quutaan.
Cuntooyinkaas ayay sidoo kale ku sheegeen inay yihiin kuwo qofku la qabatimo haddii uu inta badan isticmaalo, gaar ahaana haweenka ayay sheegeen inay aad u jecel yihiin cunida cuntooyinkaasi.
Warbixinta daraasadan ayaa lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo PLoS One ,waxaana lagu sheegay in cuntooyinkaasi qaarkood ay yihiin kuwo sida daroogooyinka oo kale jidhku ula qabsado, gaara ahaana kuwa ay kamidka yihiin Kalpatza Chocolates oo ah cunto shokolaato ah oo dadka Maraykanku ay aad u isticmaalaan, sidoo kalena waxay kusoo dareen cuntada loo yaqaano Pizza oo ah iyaduna mid dadku aad u cunaan.
Intii daraasadan ay kooxdani waday ayay sheegeen inay cod ka qaadeen dad gaadhaaya 504 qof kuwaas oo ay sidoo kalena weydiyeen cuntooyin gaadhaaya 35 cunto oo ay raadinayeen saamaynta ay yeeshaan.
Daraasadan ayaa ugu dambayn liiska halka sare kaga dartay cuntooyinka dadku ku degaan, sidoo kalena ay la qabatimaan cuntooyinka kala ah Pizza oo ay sheegeen inay tahay cuntada ay sida ugu dhakhsaha badan ula qabsadaan cunideeda dadku, sidoo kalena Chocolate-ka iyo Potato (oo looga jeedo Baradhada shiilan) ayaa iyaduna kaalin weyn ku lahaa ,waxaa iyaguna ku jiray liiskaasi Ice-Cream-ka kala duwan.
 
 

Leave a Reply