Kansarka caalamka oo La Sheegay Inuu Gaadhi Doono Dhowaan 19 million

0
406

Lambarka dadka u dhimanaaya iyo kuwa qaadaaya ama uu ku dhacaayo cudurka loo yaqaano Cancer-ka qaybihiisa kala duwani ayaa siyaadey tiro aad u badan oo lagu sheegay inay gaadhayso 16 million sida ay ku sheegtay warbixinteedii ugu dambaysay hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.
Marka la barbar dhigo sannadkii 2009 dii oo uu ahaa xadiga xanuunkaasi in lagu qiyaasay 14-10 million ayaa qoraalkan ugu dambeeyey ee ay soo saartay hay’adani waxa lagu sheegay inay ku siyaaday ama ku biirtay tiro aad u badani ,taasi oo ka dhigtay tiro ahaan 16 million ,iyada oo labadaasi xadi udhexeeya uu gaadhay sannadkii 2012 kii laakin uu ka yaraa inta uu iminka maraayo.
Waxa kale oo aad u siyaaday siday hay’adaasi sheegtay xaaladaha dhimasho oo kor u kac weyni ku yimid intii u dhaxaysay labadaasi sannadood ee 2009 iyo 2014 ,waxaanay ku qiyaaseen inta u dhimatay xanuunkaasi  inay gaadhayso 8.8 million oo qof ilaa 9.4 million marka lays barbar dhigo labadaasi sanno,iyada oo ay wadamada ugu badani yihiin kuwa aan awooda dhaqaale lahayn ama soo koraaya.
Waxaanay khubaradu aaminsan yihiin in korodhkaasi ugu wacan yahay iyada oo ay caalamka kusoo kordhayaan wershadaha iyo waxyaalaha kale ee keenaaya inay hawadu wasakhowdo,kadibna ay ka dhalan karaan waxyaalo badan oo u badan xanuunada halista ah ,sidoo kalena dadka ay kala soo dersi karaan neef qabatow ,sidoo kalena ay sababi karto nolosha dadka oo aad isu bedelaysa.
Sidoo kale waxay khubaradani rumaysan yihiin inay ka dambayso khatartan sii kordhaysa cabitaanka sigaarka ee siyaadada ah iyo dadka oo awoodooda buurnida ahi ay aad u badan tahay ama ay markasta kusii siyaadayso baruurtu,taasina ay qayb weyn ka qaadanayso korodhka  xanuunkaasi.
Kansarka ku dhaca sambabada ayaa inta ugu badan ah ayay sheegeen khubaradaasi mid ka yimid cabitaanka sigaarka ,iyada oo caalamka oo dhan markii laysku daray uu gaadhay tiro ahaan dadka uu ku dhacay ilaa 3.10 million,taas oo celcelis ahaan noqonaysa 15%.
Waxa kale oo ay WHO  sheegtay inay kor u kacday tirada qaybta xanuunkaasi  kamidka ah ee loo yaqaano Kansarka Naasaha ,kaas oo inta badan ku dhaca dumarka,waxaanay sheegeen inay kiisas aad u badan ku arkeen wadamo  aad u badan oo ay ku sheegeen inay tiro ahaan gaadhayaan ilaa 145 dal oo u badan kuwa qaaradaha Yurub iyo Afrika.
Xanuunka Kansarka naasaha ku dhaca ayaa noqday mid faro baas ku haya wadamada soo koraya ee aan dhaqaalaha xoogan lahayn,waana mid sababay dhimasho aad ubadan ,taas oo ka badatay sidaanu filaynay markaan ku jirtay xog ururintan aanu iminka warbixinteeda soo saarnay sidaas waxa yidhi Dr David Forman oo ka socday WHO ,gaar ahaana qayb loo yaqaano International Agency for Research on Cancer oo ah qayb caalamiya oo loogu talo galay inay baadhitaanku kansarka ah samayso.
Waxaanu samaynay talooyin badan oo aanu siinay dumarka halkaasi ku nool ka hor iminka laakin may noqon kuwo ku dhaqma ,taasina waa ta keentay inuu xanuunkaasi  wadamadaasi ku bato ,gaar ahaan Afrika iyo meelo Yurub kamid ah ,waxa kale oo jira xaalado kale oo iyaguna gaara oo xanuunkaasi keenay ,laakin waxa ugu badan talo qaadasho la’aan dhinaca dumarka ah . ayuu intaasi sii raaciyey masuulkaasi .
Waxa ay sheegtay  WHO inuu sii siyaadi doono xanunkani isaga oo gaadhi doona ilaa 19 million sida ay sheegeen, waqtiyada soo socda.
Waxay u baahan tahay in la sameeyo ka hortag badan oo xaga xanuunkaasi kansarka naasaha ah iyo wacyigelin badan ,marka la eegaayo dhinaca dawaynta,iyada oo loo baahan yahay in marka hore la qaado talaabooyin wax ku ool ah oo lagaga fogaanaayo siyaalaha lagu kala qaadi karo ama lagu qaadi karo xanuunkaasi inta aan hadhow dawayntiisu adkaan.sidaasi waxa yidhi madaxa wakaalada caalamiga ah ee cilmibaadhista kansarka oo ah mid hoos tagta WHO laguna magcaabo Dr Christopher Wild.
 
 

Leave a Reply