Wasiir Warancadde Ha U sumal Dayo Jagada Xog-hayaha Dawlada Hoose ee Hargeya

0
461

Hargeysa (DAWAN)- Xoghayaha dib u dajinta ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Mr. Jaamac Maxamed (Hillaac) ayaa ugu  baaqay   WasiirkaWasaarada  Arrimaha Gudaha in aan la siyaasadeyn, lana Beeleyn buuxinta  Jagada Xoghayaha Dawlada Hoose ee  Hargeysa, ka dib markii Xoghayihii hore madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warshadaha isku shaandheyntii ugu dambaysay.
 
Mr. Jaamac Hilaac waxa uu sidaasi ku iftiimiyay qoraal kooban oo uu soo gaadh siiyay wargeyska DAWAN, waxaanu ku booriyay wasiirka daakhiliga inuu ka baaraan-dego masuulka uu u magacaabayo xoghayaha cusub ee dawladda Hoose ee caasimadda Somaliland.
“Banaananta Jagada Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa  Waxay ku soo beegantay  wakhti Caasimadda dalka ay ku nool yihiin  dad ka badan hal malyan oo qof,kuwaasi oo aan ka haqab beeline adeegyadii daruuriga ahaa.Waxa kale oo banaananta Jagadani ku soo beegmaysaa Wakhti dadka, Gadiidka iyo ganacsiguba ay si xawli ah  ugu soo badanayaan, balse aanay jirin Maamul karti iyo Aqoon u leh sidii loo dabooli lahaa adeegyada Bulsho ee  heer degmo ee dadku u baahan yihiin.
Magaalada Hargeysa oo burbur weyni ka soo gaadhay dagaaladii dib u xoreynta wadanka ayaa haddana Dawladihii dhexe ee dalkan  Soo maray 23 sanno ee ina soo dhaafay ku guul-dareysteen in ay soo magacaaban Xog-haye  awood baddan oo karti iyo Aqoon u leh hawsha ay qabtaan dawladaha hoose.
Jagadan banaanaatay ee xoghayaha fulinta Dawladda Hoose waxay ku soo beegantay xili ay beelaha waaweyn ee deegaanka ku ah magaalada Hargeysa ay tartan ugu jiraan dhulka danta guud, dhaqaalaha iyo xilalka sar-sare ee dawladda Hoose, taasoo caqabad ku ah ujeedooyinkii loo aasaasay dawlada hoose Hargeysa oo ah in dadweynaha magaalada ku nool ay siiyaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha  Mr. Cali Warancade oo ka soo Jeeda Shacabka Reer Hargeysa, waxaan kula tallinayaa in uu  u Sumal-dayo jagada ka banaantay dawlada hoose ee Hargeysa soona magacaabo Xog-haye Karti, Aqoon iyo waayo aragnimo u leh dejina kara qorshe la mid ah kii la odhan jiray (Marshal Plan) si shacbiga reer Hargeysa looga gudbiyo  xaaladda adeeg xumo ee ay ku jiraan,”ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday sarkaalkaas ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply