Xeer-beegti Go’aan Ka Soo Saartay Nabadeynta Taleex Oo Xukun Ku Riday Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Puntland

0
454

Hargeysa (DAWAN)-Waxaa shalay  la soo gabo-gabeeyay dhegaysiga dacwadihii ku saabsanaa shaqaaqadii ka dhacday degmada Taleex dabayaaqadii sannadkii 2013, iyadoo dacwadan  ay ka gar-naqayeen culimo loo xil-saaray Inay xukun ka soo saaraan shaqaaqadii ka dhacday degmadda Taleex ee gobolka Xaysimo.
 
Guddidii u fadhiday  dhegaysiga dacwadan ayaa Dooxada Gudur ee degmadda Taleex shalay ka soo saaray xukun waafaqsan shareecadda diinta islaamka, sida uu wargeyska DAWAN u xaqiijiyay Sheekh Siciid Axmed Cadar, oo ka mid ahaa guddigii hawshan gacanta ku haysay.
Guddidii shaqaaqadii ka dhacday Taleex xukunka ka soo saaray waxay dusha ka saareen Madaxweyne Ku xigteenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shirre iyo askartiisii inay lahaayeen masuuliyadda sideed qof oo ku naf-waayay  shaqaaqadii ka dhacday deegaankaasi, waxaana meesha ka baxay in beesha uu ka soo jeedo madaxwayne ku xigeenkiii hore ee Puntland ay ku lug lahayd dhibaatadii Taleex ka dhacday, waxaana xukunkan ku qancay labada beelood iyagoo goobtaa Gudur ee xukunku ka dhacay gacmaha la isugu saaray.
Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay waxa uu yidhi ‘’Annagu ka maamul ahaan kama aanu madhnayn haddii ay tahay tallo bixinta,haddii ay tahay amniga,haddii ay tahay dhaqaalaha,dhan kastaba waanu garab taagnayn inkastoo aanu u daynay go’aanka waxaanuna u aragnaa in nabadayntan maanta soo gebogebowday mid natiijadiisu noqon doonto midho dhal lagu walaaloobo ka maamul ahaana waa mid aanu ka markhaati noqon doono.”
Xukunkan ayaa guud ahaan bulshada deegaanadaasi si aad ah u soo dhaweeyeen, iyadoo nabadaynta beelahan laga ilaaliyey in ay siyaasad ku lug yeelato, waana xukun lagu saleeyay shareecada Diinta islaamka, Nabadayntan oo in badan  hore la iskugu dayay ayaa  lagu  guul daraystay, waxa la filayaa  in uu go’aankani noqdo kii walaalayn lahaa labada beelood ee halkaasi ay xurgufta sanooyinka qaadatay dhex tiilay,inkasta oo waxgarad badan iyo xilkaskuba si aad ah isugu hawleen hadana waxaa xusid mudan shirkada isgaarsiinta telesom iyo shirkada qalabka iyo dhismaha ee ilays interpriese.oo door mahadnaq mudan ka qaatay. Cabdisamad Cali Shirre ayaa goob joog ka ahaa xukunkan lagu riday.
By: Faysal  Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply