Guddoomiyaha Badhan Oo Ka War Bixiyay Wasaaradaha Gobolka Ka Shaqeeyay Iyo Kuwa Aan Adeegyadoodii Daboolin

0
494

Badhan(Dawan):- Guddoomiyaha Gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud(Wahaabi),ayaa ka war bixiyay wax-qabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hir-galisay deegaanada gobolka Badhan iyo baahiyaha ay dabooshay mudadii ay xilka haysay.
Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu wax lala yaabo iyo riyo ku tilmaamay dhawaanahan ka soo yeedhayay Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland  kaasoo uu ku sifeeyay  nin indhaha ka qarsanaya mushkiladaha ka jira dhulkiisa isla markaana isku maaweelinaya riyo .
Guddoomiyaha gobolka Badhan oo isagoo ku sugan magaalada Badhan khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay gobolka ka jiraan horumar dhanka waxbarashada ah oo tis-qaaday halka uu tilmaamay in ay jiraan Wasaarado aan si dhamaystiran uga hawl gala gobolka oo uu sheegay in ay wali gaabis yihiin oo aanay gobolka  uga shaqayn sidii looga baahnaa.
Guddoomiyaha oo ugu horayn ka hadlayay xaaladda guud ee gobolka dad iyo duunyaba,waxa uu yidhi “Xaalada guud ee gobolku aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay wax dhibaato ahina kama jirto xaaladda dad iyo duunyana aad ayay u fiican tahay, waxoogaa abaar ah ayaa jirta oo roob la’aan ah laakiin guud ahaan gobolku imika waa mid  xaaladiisu wanaagsan tahay,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdixakiin Wahaabi.
Mar aanu wax ka waydiinay sida ay abaartu deegaanada gobolka Badhan u saamaysay iyo xaaladii biyo la,aanta ee ka jiri jirtay deegaanka siday ay imika ka yihiin  waxa uu yidhi  “Horta gobolku muddo badan ayuu ku jiray xaalad biyo la’aan ah oo uu oomane ahaa miyi iyo magaalaba laakiin imika taasi ma jrto oo waxaa laga hirgaliyay gobolka oo shaqeeya laba riig oo baahida biyaha wax weyn ka taray in kasta oo imika ay abaari jirto oo lagu jiro xilli roob la’aan ah biyahana aad loogu baahan yahay,  haddana labada riig ee midna Badhan laga qoday midna laga qoday Ceel Bu’ aad bay u dabooleen  baahidii biyo yaraaneed in kasta oo riigga Ceel Bu’ ay wali gacanta ku hayso shirkadii qodista qandaraaska ku qaadatay oo aan wali lagala wareegin haddana baahida biyaha 60/100 way dabooleen,   labada riigna waxaa gobolka ka hir galisay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo gobolku hortii oomane ayuu ahaa.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida ay Wasaaradaha Dawladdu uga hawl galaan  gobolka  iyo baahiyaha ugu waawayn ee ka jira xiligan waxa uu yidhi  “Horta gobolka way joogaan  Wasaarado badani, laakiin  isku si uma wada shaqeeyaan waxaana ugu   wanaagsan oo kaalinteedii ka soo baxday baahiyaheediina wada dabooshay Wasaaradda Waxbarashada oo gobolka ka hir galisay waxbarasho la  mid ah guud ahaan gobolada Somaliland oo hano-qaaday,Wasaaradda kale ee dhaq dhaqaaqa lihi waa Wasaaradda Ciyaaraha oo  shaqaysa. Wasaaradaha aan gobolka ka shaqayn waxaa ka mid ah Wasaaradda Beeraha oo aanaan ka arag  wax siidh ah oo ay u keeneen beeralayda gobolka iyo wax dhaq dhaqaaq ah oo ay gobolka ka wado,waxaa kale oo gobolka ka jirta baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah Wasaaradda Caafimaadkana laba gaadhi oo ambalace ah mooyaane wax  kale kama hayno oo cisbitaalada gobolka shaqaalle looma qorin wax gunno ahna lama siiyo shaqaalaha caafimaadka ee ka hawl gala  wax dawo ahina nagama soo gaadhaan Wasaaradda Caafimaadka Cisbitaalada  gobolkana shaqaalaha ka hawl galaa waxay ku shaqeeyaan si tabaruc ah dawadana mar mar ay qurbajooga gobolku wax yar  soo diraan ayay ku hawl galaan, waxaana gobolka dhanka caafimaadka shaqeeya oo Wasaaraddu gunnou qortay oo kaliya xannaanooyinka laakiin Cisbitaaladu dawona ma helaan shaqaalaha ka shaqeeyana gunno iyo mushahar midna lama siiyo markaa baahida caafimaadku waa mid jirta oo taagan,waxaa kale oo ay baahi weyni ka jirta dhanka booliska oo gobolku ma laha boolis arrimaha ammaanka ku filan iyo gaadiid ay ku hawl galaan midnaba booliskuna waa baahida ugu weyn ee gobolka ka taagan.”
Waxaa kale oo aanu Guddoomiyaha Gobolka Badhan wax ka waydiinay hadalo dhawaanahan ka soo yeedhayay Madaxwaynaha Puntland oo marna sheegay in uu Waddo ka dhisayo Badhan marna sheegay in uu Jaamacad  ka hir galinayo  iyo in ay jiraan faro galin uu maamulka Garooweku hayo xiligan gobolka Badhan,ayaa ku jawaabay. “Horta qofku marka uu xaqiiqada hor taalla maarayn kari waayo wuxuu doono ayuu ku hadlaa Cabdiwali Gaasna hadduu waddo dhisayo waxaa dhisid uga baahan wadada  isku xidha Gaalkacayo iyo Garoowe oo  noqotay meel wada boholo ah waxaanu ka dhigan yahay islaantii xaabada qaadi kari wayday ee kordhisatay, markuu leeyahay jaamacad ayaan Badhan ka dhisayaana waxaa uga haboonayd isagoo wax ka qabta mushkilada ka haysata Garoowe wax ka qabasho uga baahan laakiin wuxuu ka dhigan yahaynin riyoonaya oo indhaha kalalinaya xaalada runta ah ee hortiisa taalla, maantana  gobolka Badhan wax farogalin ahkuma soo samayn karohadalkiisuna waa sheegasho riyo ah oo Garoowe taalla Gobolka Badhanna wuxuu ka mid  yahay gobolada kale ee Somaliland hadal Garoowe laga yidhina maaha mid wax lagu yeeli karo hadday hadal dhaaftana Qarankani wuxuu leeyahay dawlad qaranimada difaacda iyo ciidan heegan u ah ilaalinta iyo  jiritaanka Qaranimada Somaliland.”

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

dawannews Hargeysa office

Leave a Reply