Dulucda Wefti Wasiirro ah Oo Shalay U Kicitimay Kenya

0
421

Hargaysa (Dawan): Wefti wasiirro ah oo ka socday  xukuumadda Somaliland ayaa   shalay kicitimeen dhinaca dalka  Kenya gaar ahaan magaaladda   Nairobi, halkaasi oo ay kaga qayb gali doonaan shir lagaga hadlayo horumarinta Somaliland, sida ay u sheegeen warbaahinta gudaha.
 
Wasiiradan ka socday xukuumadda ee u baxay Kenya ayaa qaarkood waxay dalka ka baxeen shalay halka kuwo kalena ay hore u sii joogeen Nairobi, waxaana wasiiradaasi ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hore u sii baxay iyo weftiga maanta baxay oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shir, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Deegaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil. Weftigan ayaa la shegay  in mudadda   ay ku sugan yihiin magaaladda Nairobi  in  ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan wadamada Qaadhaan bixiyeyaasha ah ee dhinaca horumarka Somaliland ka taageera. Sidoo  kale  weftigu inta ay Nairobi ku sugan yihiin  ayaa la filayaa in ay kulamo la yeelan doonaan   hay’addaha  ka shaqeeya arrimaha horumarinta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply