Barakacayaal Ku Nool Deegaanno Ka Tirsan Saylac Oo Laga Dayriyay Xaaladooda Nololeed

0
383

Saylac (Dawan)- Abaarro xoogan oo ku dhuftay deegaanada ku teedsan gobolka Salal, gaar ahaan tuullooyinka Sheekh Awaare iyo Fiqi Aadan, ayaa sababay in dadkii reer guuraaga ahaa ay ka baxeen xoolihii, isla markaana xaaladooda nololeed ay haatan isu rogtay barakacayaal.
Deeganadan ayaa laga soo sheegayaa in ay ku habsatay  abaar ba’an, oo saamaysay dad iyo xoolaba, waxaana la sheegayaa in dadka reer guuraaga ah ee deegaanadaasi ku dhaqan ay haatan la tiicayaan gaajo, haraad iyo xaalad nololeed oo aad u adag.
Dadkan ay abaaruhu barakiciyeen oo ay xoolahoodii dhamaadeen ayaa waxa ay ka soo xero-baxeen dhul baaxad leh oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Salal, waxaana ay haatan noqdeen banaanyaal ay dhibta iyo xanuunka abaarta u dheer tahay dareen kale  oo walaaciisu badan yahay.
Oday waayeel ah oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka Sheekh Awaare  ayaa ka waramay xaalka barakacayaashan waxana uu yidhi “Adeer, abaartu way laba sanno jirsatay, maantase way ugu xanuun badan tahay, waxana ay ka soo hayaameen oo ay ka soo barakaceen inta u dhaxaysa Heemaal, Cadceedkaroor, God-cad, Wadajir iyo dagaano kale oo aad uga fog, waxa ay dadkan oo aad u badan ku soo urureen duleedkaas aad u jeedo ee ay bacaha ka samaysteen, xoolahii way le’deen, dadka intii itaalka darnayd, iyo caruurtiina waataas bacadka taala, waa masiibo uu Eebe keenay, waxase noo dheer gurmad la’aan oo waxa aan rabnaa in aad qaylo dhaanta gaadhsiisaan cid walba oo ay bani’aadanimo ku jirto oo wax ka qabankarta oo ay dawladu ugu horayso, Eebe ayaanse gargaarka ugu badan waydiisanaynaa”
Hooyo kale oo da’ ah oo iyaduna ku sugnayd xerada barakacayaasha ee degaanka Fiqi-Aadan ayaa iyaduna xaalada oonka iyo biyo la’aanta jirta ka dayrisay waxana ay tidhi “Hooyo waa abaar waxaasi, waxase nooga sii daran biyo la’aan, maanta dadkii ceelka u arooray way maqan yihiin, walina ma soo dhawa, biyo inay soo heli iyo in kalena lama oga’ hadii biyo la’aani sidaas tahay, maxaad u malayn hungurina, waase nimco Eebe oo gargaar ayaan ILAAHAY ka sugaynaa, waxana aan qaylo dhaan u jeedinaynaa dhamaan Somaliland iyo umada muslimiinta ah”
Dadkan barakacayaasha ah ayaa waxa ay culays xoogan ku hayaan dadkii ku noolaa degaanada ay ku soo barakaceen waxaana qaar ka mid ah xil-sidayaasha bulshada oo hadlay ay tilmaameen in xoogoodu uu gabaabsi sii noqonayo isla markaana ay adagtay in ay dadkan sii martigaliyaan, waxana ay intan ku dareen in dhibaatada taala degaankan ay aad u badan tahay oo aanay ka maarmayn in gurmad loo helo sida ugu dhaqsaha badan “Dadkani meeshan ayay yaalaan oo tamartoodii soo gaadhsiisay, kama tagayaan oo Eebe, Ummada reer Somaliland, Xukuumada iyo dadka deeqda bixiya ayay sugayaan,” ayay yidhaahdeen waxgaradkaasi.
By:Maxamed Bili-Bili 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply