Guddoomiyaha Qori-lugud Oo Ka Hadlay Is-rasaaseyn Shalay ka dhacday Jiida Maygaagle

0
409

Qorilugud (Dawan): Guddoomiyaha degmadda  Qorilugud ee gobolka Buuhoodle  Maxamed Cumar Faarax, ayaa beeniyay warar sheegayay in  deegaanka  Maygaagle   uu iska hor imaad ahi ka soo cusboonaaday,  isagoo sheegay in aanu jirin wax shaqaaqo  oo deegaankaasi ka soo kordhay. Haseyeeshee maqribnimadii shalay ay koox dhalinayarro ah oo ka soo jeedda dhinaca deegaanka Qorilugud  in ay  is rasaaseeyeen koox kale oo ka soo jeeda dhinaca Buuhoodle, isla markaana aanay is-rasaasayntaasi dhexmartay labada dhinaca ee dhalinayradda ah aanay cidna waxba ku noqon.
Maxamed Cumar Faarax, oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo joogay magaaladda Qorilugud, waxa  kale oo uu intaasi ku daray in shaqaaqadii dahwaan deegaankaasi ka dhacday ay ku hawlan yihiin madax-dhaqameed labadda dhinac ka kala socda.
 
Guddoomiyaha Qori-lugud, oo ka hadlayay  is-rasaasaynta dhexmartay dhalinayradda waxa uu yidhi “Wax dhibaato ahi ma dhicin, ergadda  madax-dhaqameedka ahina way joogtaa,  oo way shaqaynayaan,  xaajadoodu waa toos,  marka meel  colaadi ka jirtay nabad gala wado kolay fal-faliidhyo way jirayaan,  laakiin way joogaan salaadiintii iyo cuqaashii iyo waxgaradkiiba way fadhiyaan,  waxay fadhiyaan Qorilugud.Qoladan galabta fiidkii (shalay) wax samaysayna waxay  ahaayeen qolo dhalinyaro ah oo Gaado tegay ayay ahaayeen,  dhinacan qoladda deegaanka Qorilugud ayay ahaayeen,  markaa arrintaasi fudud ayaa dhacday ee ma dhicin wax la buun-buuniyaa,  wax ku tallo-gal ah may ahayn, ee arrin si qalad ah u dhacday ayay ahayd.”
“Haba yaraatee wax dhibaato ahina ma jiraan, kooxdanina  waxay ahaayeen ashkhaas ayr oo afar iyo shan ah ayay ahaayeen, iyagana waxba lama gaadhsiinin, iyaguna cid wax dhibaato ah may gaadhsiinin,  madax-dhaqameedka Qorilugud fadhiyaa waxay ka socdaan dhinaca Qorilugud, dhinaca Buuhoodle  odayaashooda ergada ahi waxay fadhiyaan  soonaha Buuhoodle,  weli la iskuma iman oo la isma hor fadhiisan, waana la wadaa sidii ay ergada labadda dhinac ka socotaa isku hor fadhiisan lahaayeen” ayuu yidhi Maxamed Cumar Faarax.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply