Biyaha Badda Si Caadi Ah Ma Loo Cabi Karaa?

0
414

Biyaha baddu waxa ku badan milixda. Marka bani’aadamku cabaan biyaha badda, marka loo eego unugyada jidhkooda waxay qaadanayaan in ka badan intii ay u baahnaayeen jidh ahaan milix, taasoo sababi karta inuu qofku u dhinto.
Bani’aadamka waxay si badbaado ku jirto u isticmaalaan qayb yar oo milix ah oo ku haboon qofka, milixda ku jirta biyaha baddu aad bay uga badan tahay inta ay bani’aadamku awood u leeyihiin inay qaataan ama jidhku u baahan yahay. Sidoo kale milixda aynu u isticmaalno nolol maalmeedkeena, waxay inaga caawisaa cabitaankeena oo ay ku yar tahay milixdu, waxaanay ka qayb qaadataa caafimaadka qofka.
Unugyada nool ee jidhkeenu waxay ku tiirsan yihiin, taasoo jidhka ka caawisa isku dheeli-tirka kiimikada jidhka iyo difaaciisa, sidaa darteed isticmaalka badan ee milixdu wuxuu sababi karaa in loo dhinto.
Kelyaha bani’aadamku shaqada ay qabtaan waxa ugu muhiimsan soo saarista kaadida, taasoo hos u dhigta milixda saa’idka ku ah jidhka.. Sidoo kale si uu qofku iskaga saaro milixda dheeraadka ku ah jidhkiisa ama haddii uu cabay biyaha badda waa inuu isticmaalaa biyo caadi oo ka badan intii uu hore u isticmaali jiray, taasoo keenaysa inuu qofku kaadi badan yeesho, iyadoo ka qayb qaadanaysa sifaynta ama saarista milixda aanu jidhka ku dheeraadka ah.
 
 


 

Leave a Reply