Maareeyaha Cusub Ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka Oo Xilkii La Wareegay

0
359

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa shalay  xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyay maareeyihii hore ee Hay’adda xidhiidhinta cuntooyinka qaranka (SFCA ) Md.Yuusuf Cismaan Garas iyo maareeyahaha cusub ee hay’adaas Siciid Xasan Cabdilaahi.
 
Munaasibada xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda beeraha ayaa waxa ka soo qayb galay shaqaalaha hay’adaas,agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’galinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen (Dhabeeye) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md.Bashiir Cabdi Xariir iyo marti sharaf kale.
 
Wasiirka ciyaaraha oo madashaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyay labaas mas’uul, isagoo arrintas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan maanta xilka u kala wareejinaynaa  labada maamul, maamulka cusub iyo maamulkii hore oo ahaa madaxa haayada raashinka qaranka, wasaarada dib udejintana laan ka mida ahaa oo manta ku wareejinaaya maareeyaha cusub Siciid Xasan Cabdi oo uu madaxweynuhu u soo magacaabay. Waxaan leeyahay maareeyaha cusub  gaadhsii shaqada meesha lala doonaayo inay gaadho.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Waxaanan aad ugu mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu masuuliyiintan xilalka u magacaabay.”
 
Maareeyihii hore ee hay’adaasi Yuusuf Cismaan waxa uu sheegay in waxyaabihii u qabsoomay ay ka mid ahaayeen heshiis buuxa oo ay markii ugu horaysay intii Somaliland jirtay la galeen Hay’adda WFP ee qaramada midoobay u qaabilsan cuntada, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Guulaha ugu waa weyn ee  aanu gaadhnay waxaa ka mid ah in taariikhda markii ugu horeysay iyada oo dhawr iyo labaatankii sano eenu jirayba  haayada WFP ay xafiisku laheyd soomaaliland hadana waa markii ugu horeysay ee aanu gaadhno hishiis guud oo koobaaya dhamaan mashaariicda ka shaqeeyso ee ay xukuumada la gashay.”
 
Maareeyihii hore mar uu ka hadlaayay waxyaabaha ay Hay’addani u xil saarantahay waxa uu yidhi “Haayada xidhiidhka raashinka qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ee loo yaqaano (Somaliland Food Condition Agence ) waana hay’ad madaxweynuhu ugu talo galay inay ka shaqayso hawlaha raashinka ee qaranka, dawlad ahaan shuruucda dalka taala marka loo eego waxay masuuliyadeedu tahay inay xidhiidhiso oo ay isku xidho wada shaqeynta dhex mareysa mashaariicda ay haayada WFP wadanka ka fuliso iyo laamaha kala duwan iyo wasaaradaha dalkeenu uu leeyahay.”
 
 
Maareeyaha cusub ee hay’adda xidhiidhinta cuntooyinka md. Siciid Xasan oo hadal kooban madashaas ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uu halkaas ka sii wadi doono hawshaas loo igmaday, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa madaxweunaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilaas ii gartay inaan qaranka u qabto. Waxaan balan qaadayaa in aan si fiican ula shaqeeyo dhammaan hay’addaha dawlada. Waxaanaan halkaas ka sii ambo qaadidoonaa hawsha hay’addu halkii ay taagnayd.”
Dhammaan masuuliyiintii goobtaas ka hadashay ayaa waxay masuulka cusub ugu duceeyeen in alle u fududeeyo xilkaas culus ee loo igmaday. Labadan masuul ee xilka la kala wareegay ayaa waxay ka mid ahaayeen isku shaan dhayntii dhawaan uu soo saaray madaxweynaha Somaliland.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply