Kal-fadhigii 10-aad Ee Golaha Deegaanka Berbera Oo Furmay

0
467

Berbera (DAWAN): Kal fadhigii 10-aad ee golaha deegaanka degmadda Berbera ayaa shalay ka furmay xarunta dawlada hoose ee magaalada Berbera. waxaana kalfadhigaasi ka soo xaadiray toban xubnood oo  xildhibaanada ee golaha deegaanka Berbera.
Iyadoo furitaanka kalfadhigaasina uu  shir gudoominayay gudoomyaha golaha deegaanka Berbera , Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), waxaanu Mr. Cidin   ka warbixiyay waxyaabaha golahooda u qabsoomay saddexdii  bilood hore ee sanadkan iyo qorsheyaasha kale ee u qorshaysan golaha deegaanka Berbera in ay qabtaan.
 
Gudoomiyaha golaha deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo sharaxayay  arrimahaasi waxa hadalkiisa ka mid ahaa  “Hadii aan ku horeeyo qorshaha sanadkan waxa noo qorshaysnaa oo saddex  biloodkan u horeeyay gabo gaboobay wadada aanu dib-u-habeynta ku samaynay oo roog dhignay dhererkeeduna yahay 8 km. Sidii  aanu filaynayna  noogu dhamaatay saddex  biloodkan hore, oo aan o dhan karo 70% ayay kanoqonaysaa waxqabadka golaha hadaanay kaba badneyn.
 
Sababta  kale ee ay golaha u doorteen wadadan oo rooga la saaro waxay ka door bideen 8km oo cusub la smayn lahaa la dayactiro hantida maguurtada ah ee ummadani lee dahay oo ah waxyaabaha u horeeya ee bulicda u ah magaaladan hadii kuwa hore burbursan yihiin macno matareyso kuwo dambe oo la sameeyaa howshaas waa la soo gabogabeeyay.
Waxaana  ku xiggi doona oo noo qorshaysan mushu-biyeedi oo ah halkii dadku marayeen isla wadada  oo aanu marmar dhigidoono oo saddex biloodka dambe ay ka mid tahay” ayuu yidhi Maayarka  Berbera.
 
 
Dhinaca kale Gudoomiyaha golaha deegaanka Berbera ayaa ugu baaqay dadweynaha magaalada Berbera inay ka qab qaataan hawlaha qurxinta ay ku howlan yihiin oo muwaadin kasta marmar ku dhiso inta gurigiisa iyo wadada u dhaxaysa.
 
Cabdishakuur  Cidin, waxaa uu sidoo kale xusay in qorsheyaasha golaha deegaanka Berbera, ay kamid tahay inay  nidaam  gaadiidka u samaynayaan isla markaana lagu maamulo oo wakhtigan dariiqa ku dulrara gaadiidka. Maayar Cabdishakuur Cidin waxaa kale oo uu tilmaamay in ay sidoo kale qorsha  ugu jiraan garoomo ay ka dhisayaan afar xaafadahood oo kamid ah xaafadaha magaalada Berbera.
 
Ugu dambayn, waxaa fadhigaasi xildhibaanada golaha deegaanka Berbera ee ka nsoo xaadireay fadhigii koowaad ee kalfadhiga 10 ayaa halkaasi loogu qaybiyay ajndayaasha ay kaga doodi doonaan kulamada xigga.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply