Sheekh UGu baaqay Masar Inay Burburiyaan Ahraamta

0
355

Sheekha Daaciga ah ee reer Kuwait Ibrahim Al-Kandariyi ayaa sheegay inay wakhtigan lagama maarmaan tahay burburinta Sanamada lagu sameeyay gacanta marka dhinaca sharciga la eego.
Sheekha ayaa intaasi ku daray inay tahay in la burburiyo goobaha sanamada taarikhiiga ah sida Al-Haramaa iyo Abu Hawl ee dalka Masar.  Sheekha aya doodan ah in aanay saxaabadii burburin sanamada markii ay galeen Masar kaga jawaabay in markii saxaabadu tagtay Masar aanay muuqan oo aan la ogayn asnaamtan. Waxaana uu sheegay in la ogaaday wakhtiyo aad uga  ka danbeeyay. Sheekha ayaa intaasi ku daray saxaabada wakhtigaasi burburiyeen kuwii ay ogaadeen.
Laakiin Jaamacadda As_har ayaa soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin dooda sheikh iyagoo sheegay in burburinta goobaha taariikhiga ah tahay denbi weyn oo la gelayo.
 
 
 
 
 
.
 

Leave a Reply