Shirkadda Apple Oo Soo Saaraysa Saacad Laga Isticmaali Karo Viber-ka Iyo Whatapp-ka

0
378

Shirkadda Apple ayaa soo saartay saacad sida mobile ka loo isticmaalaayo, waxaana lagu shubay saacadaasi programs ay ugu shaqaynayso sida mobile ka oo kale,gaar ahaana waxa laga isticmaali karaa adeegyada wada sheekaysiga ee Viber-ka iyo Whatsapp-ka.
Saacadan ayaan weli soo gelin suuqyadda caalamka,taas oo keentay in suuqa lagu sii daayo xayeysiiskeeda,gaar ahaana TV-yadda waaweyn,waxaana la rajaynayaa inuu qiimeheedu noqdo mid aad u sareeya,iyada oo lagu qiyaasay lacagta ay ku bilaabmi doonto $17 million oo lacagta Maraykanka ah.
Waxaana la rajaynayaa inay suuqyadda caalamka soo gasho bisha April,iyada oo lagu wada baahin doono dhamaan suuqyadda caalamka oo dhan.
Saacadan ayaa loo sameeyey website u gaara ,taas oo lagu xayeysiinaayo,waxaana la yidhaahdaa Web-kaasi Mixyourwatch.com,kaas oo laga heli karaayo sawirkeeda iyo hababka loo isticmaalaayo.
Saacadan ayaa ah mid fududayn doonta siday sheegeen in laga helo waxyaalaha bulshadu isticmaasho ,gaar ahaana Facebook-ga,Viber-ka iyo Whatsapp-ka intaba,kuwaas oo si sahlan loo isticmaali karaayo.
                       

Leave a Reply