‘Waxa Lagu Haystaa Habaarka Ilamheeda’

0
392

Sandi Nugwien oo hooyo Maraykan ah, da’deeduna tahay 28 sano ayaa loo ururiyay lacag dhan 28 kun oo doller oo caawimo ah ka dib markii ay bulshada usoo bandhigtay in ilmaheed yari uu qabo xanuunka Kansarka muddo saddex sano ah.
Dhakhaatiirta ayaa markii ay baadheen ilamheeda yar ogaaday in aanay jirin xanuun kansar oo uu qabaa. Arintaasi ayaa keentay in Sandi lagu tuhmo inay gashay denbiyo kala duwan oo ah inay been ku ururstay lacag kaalmo ah, ayna samaysay tuugo farsamaysan iyo in ilmaha yar ay meel kaga dhacday oo ay habaartay taasi oo laga yaabo inay mustaqbalkiisa danbe waxyeesho denbi ah. Ujeedada ay gabdhan sidan u yeeshay ayaa ahayd sida la filaayo inay hesho lacago kaalmo ah taasi oo ay ku furtay account u gaar ah. Waxaana lagu soo oogay denbiga habaarka ilmaheeda.

Leave a Reply