Afhayeenka Madaxtooyada oo Sheegay in Axsaabta Mucaaridku Waxyeelo u Geysteen Jiritaankooda

0
395

“Xisbiyada Mucaaridku Markay Koox Aan Sharci Ahayn  Aqoonsadaan Oo Is Agfadhiisiyaan, Waa Arrin Jiritaankooda Waxyeelaysa”

By: Khaalid Xabsi

Hargeysa (Dawan)  Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa jawaab adag ka bixiyay dhawaaqii ka soo yeedhay Xisbiyada mucaaridka iyo Madasha wadatashiga ee ay ku sheegeen in haddii ay dib u dhacdo doorashadu la soo dhiso Xukuumadda dalka gaadhiisa doorashooyin, waxaanu tilmaamay in mucaaridku ay la yimaadaan Barnaamijyo siyaasadeed oo ay bulshada ku kasbadaan.

 

 

Afhayeen Dhuxul oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay eedaha ay Mucaaridku Xukuumadda u jeediyaan waxa kale oo uu sheegay in Xisbiyada mucaaridku ay isbaahaysteen koox uu sheegay in jiriteenkoodu ka horimanayo sharciga dalka.

 

“Xisbiyada mucaaridku baryahan dambe eedo badan bay u soo jeediyaan Xukuumadda, waxa la yaab leh waa  inaad hayso Barnaamij iyo wax aad kula tartamayso oo aad Ummada u soo bandhigayso , taasaad markaa Ummada u soo badhigaysaa oo aad u sheegaysaa oo odhanaysaa Xukuumadda waxaas  ayaanu kaga wanaagsanahay oo aanu samaynaynaa, Shalay (doraad) waad arkayseen shir jaraa’id bay qabteen labada Xisbi ee mucaaridka ah iyo koox aan sharci ahayni, markaa iyaga oo sharci ah oo la aqoonsan yahay cid aan sharci ahayn inay aqoonsadaan oo is ag fadhiisiyaan  waa arrin jiritaankooda wax yeelaya miyay ku qanicin kari waayeen Xisbiyadayada soo gala. “

 

Afhayeenku waxa uu sheegay in shacabku ay iskushaandhaynta Madaxweynuhu ku sameeyay Xukuumaddiisa ay ka mi tahay astaamaha dawladnimada, waxaanu yidhi  “Ma Nin wax qabtaybaa sas qaba, Nin wax qabtay oo isku kalsoon oo shacabka Somaliland uu ku kalsoon yahay  in waxaa uu qabtay ay najaxeen, doorasho kama baqo tii hore ee %50 lagu helay tanaa ka badnaan doonta INSHA ALLAH. Isku-shaandhaynta iyo Xilalka qaranka ee kolba qof qabanayaa waa astaanta aynu qaranka ku wada leenahay, qof kasta oo Somaliland ahi xaq wuxuu u leeyahay inuu masuuliyad qabto, waa astaanta wada lahaanshaha qaranka, marna awaa awoodaha Madaxweynaha qaranka inuu shacabka reer Somaliland ee u siman qofkii uu u garto inuu xilkaa iyo masuuliyadaa qaadi karo uu u dhiibo.”

 

Sidoo kale Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu intaas ku daray “Hadalka Ka soo baxaya Nimankani waa hadal aan tudhaale lahayn, waa hadal aan loo meel dayin, hadal aan lagu qiimayn runtii marxaladda uu dalku marayo. Maalintii ay baaqa soo saareen runtii waxay ahayd  maalintii ay  Turkiga ka yimadeen Wasiiradii ka qayb galay wadahadalada, maalintaas oo kalaa Mucaarad Muxaafidba in la midaysnaado ayaa waajib ah.”

 

Leave a Reply