Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La yeeshay Ku-Xigeenka Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Itoobiya

0
382

 

By. Khalid Xaabsi.

 

Hargeysa  (Dawan) –  Safiir-ku-xigeenka cusub ee Ingiriisku u soo magacaabay dalka Itoobiya oo markii ugu horraysay Somaliland socdaal ku yimi, ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo kala hadashay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal iyo  qodobbo kale oo la xidhiidha wadahadalada iyo doorashooyinka.

Safiir-ku-xigeen Cat Evans oo beddeshay safiir-ku-xigeenkii hore ee Itoobiya Mr. Chris Allan waxa qasriga madaxtooyada shalay kulan kula yeeshay Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada, waxaanay kulankaas kaga xaajoodeen xidhiidhka labada dal sidii loo xoojin lahaa.  

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland  Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa sheegay in safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya ay booqashadeedii  u horaysay ay ku timid dalka, waxaanu yidhi  “Maanta (shalay) Madaxweynuhu wuxuu qaabilay gabadhan safiir ku xigeenka ka ah safaarada uu Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya, gabadhani waa markii u horraysay ee ay soo booqato Somaliland magaceedana waxa la yidhaahdaa Cat Evans waxay u timi dalka inay booqashadeedii u horaysay ay Somaliland ku timaado, todobaadkii hore ayay Addis-Ababa timid, dabadeedna Somaliland bay ku timid safarkeedii u horeeyay. Madaxweynaha waxay ka wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal iyo waxyaabaha kale ee dawlada Ingiriisku inaga caawiso, sida doorashooyinka, wadahadalada Somaliland, Soomaaliya iyo waxyaabo badan oo dawlada Ingiriisku innaga caawiso, safarkanina wuxuu ahaa mid is barasho oo ay baranaysay Madaxweynaha markaa safarku sidaasu ahaa.”

 

Safiir xigeenka Ingiriiska ee Itoobiya Cat Evans, ayaa dhinaceeda sheegtay inay Madaxweynaha la yeelatay wada hadal midho dhal ah oo ku taxa luqa xidhiidhka labada dal, waxaanay tidhi  “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan ku imaado Somaliland booqashadaydii ugu horaysay, wayna I xiiso gelinaysaa, waxaanay dhiiri-galinaysaa Iskaashiga laba geesoodka ah ee cajiibka ah ee aan Somaliland la leenahay, iyo sidoo kale taariikhda dheer ee innaga dhaxaysa. Waxaan Madaxweynaha wada yeelanay wada hadal midho dhal, waxaanan rajaynayaa inuu sii socdo wada xaajoodku,” ayay tidhi Cat Evans

Leave a Reply