Khubaradda Caalamka Oo Xaqiijisay In Mobile-ku Keeno Cancer-ka Madaxa

0
413

Kadib dood dheer oo  ay yeesheen culimada sayniska oo ka kala socday wadamo kala duwan ayaa ugu dambayntii isla qaatay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya Cancer-ka maskaxda ku dhaca iyo Mobile-ka.
Daraasad ay kooxahani soo bandhigeen ayaa lagu sheegay in Mobile ku caawiyo  koboca Cancer maskaxda ku dhaca,kaas oo uu sababo intiisa ugu badan waxyaalaha Radiation ka ah ee kasoo baxa Mobile-ka.
Kooxo kamid ah Saynisyahanadaasi oo u dhashay dalkaasi Jarmalka ayaa sheegay inuu aad u faafiyo Radiation-ka kasoo baxaaya Mobile-ku Cancer-ka ku dhaca maskaxda qofka ama dadka,iyaga oo sheegay inay tijaabooyin ku sameeyeen Jiir nooca tijaabada ah ,kuwaas oo u kala qaybiyey laba qaybood,kuwaas oo qayb kamid ah lagu sameeyey tijaabadasi.
Koox kamid ah jiirkaasi ayay sheegeen inay ku xidheen meel meel mobiles yaalana ,kuwaas oo ku arkay ugu dambayntii waxyaalo muujinaaya calaamadaha Cancer-ka ,gaar ahaana kuwa Madaxa,beerka iyo Kelyaha.
Professor Alexander Archill oo u dhashay wadanka Jarmalka ayaa sheegay in isticmaalka badan ee Mobile ka ay ka dhalato calaamado badan oo kuwa Cancer-ka ahi,taas oo ay u hayaan cadaymo badan.
Professor ka ayaa intaas ku daray inay cadahay in mobile ku sababo Cancer-ka,gaar ahaana kuwa maskaxda ku dhaca oo dhibaato badan ku haya qaybo badan oo caalamka ah.
 

Leave a Reply