Dawlada Jarmalka Oo Digniin Ka soo Saartay Cunitaanka Digaaga

0
393

Dawlada dalkaasi Jarmalka ayaa digniin kasoo saartay cunitaanka digaaga, iyada oo sheegtay inay ka heshay waxyaalo Jeermis ah oo xanuuno khatar ah sababi kara, taasina  ay keentay  inay dadkeeda ka mamnuucdo.
Khubaro kamid ah kuwa caafimaadka ee dalkaasi Jarmalka oo sharaxaayey nooca Jaraasimta ah ee ay ka heleen hilibka digaaga ee la mamnuucay ayaa sheegay inay ku jirto Bacteria khatar ah, waxaanay tilmaameen inay sababi karto xanuuno khatar ah oo aan si fudud loo daweyn Karin si fududna loo kala qaadi karo.
Waxay ku tilmaameen  Bacteria-dana mid aanay dawooyinku waxba ka tarayn,iskana difaacaysa dawooyinkaasi,iyada oo lagu amray meelaha lagu qalo digaaga inay nadaafadooda kor u qaadaan,sidoo kalena qaybaha caafimaadka dalkaasi xidhiidh joogto ah la lahaadaan.
Kooxaha dawooyinka dalkaasi ayaa iyagana lagu amray inay raadiyaan dawooyin lagula dagaalami karo xanuunada ka dhasha hilibkan digaaga Bacteria-da laga helay ,iyada oo dawlada wadankaasi ku bixinaysa lacago badan.
 
 

Leave a Reply