Komishanka Doorashooyinka Oo Wufuud u Kala Diray Lixda Gobol Doorasho Ee Dalka

0
389

By: Cumar M.Faarax

 

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shalay u kala baxay gobollada dalka oo ay ka soo furanayaan xafiisyadii ay kaga hawl-geli lahaayeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo hawlaha doorashooyinkaba.

Komishanka doorashooyinku waxa kale oo ay Goboladda dalka ka soo qoranayaan hawl-wadeenadooda uga hawl-geli doona gobollada sida wargeyska DAWAN ay xalay u xaqiijiyeen ilo war-galeen ah oo ku dhow komishanka doorashooyinka.

 

Weftiga shalay ka ambo baxay xarunta dhexe ee Komishanka doorashooyinka waxa loo qeybiyay laba wefti oo midi uu booqanayo gobolladda galbeedka dalka, halka weftiga labaadna ay socdaalkooda ku ekeeyeen gobollada bariga Somaliland.

Weftiga galbeedka dalka u kicitimay waxa hoggaaminaya Guddoomiye Ku xigeenka  Komishanka doorashooyinka  Maxamuud Xasan Wacays, waxaana xubno  ka ah Marwo Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdifataax Ibraahim Sheekh Xasan oo labaduba ka mid ah Xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka. Weftigani waxay socdaalkooda ka bilaabayaan degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, waxaana loo xil-saaray gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal.

Halka weftiga labaad oo uu Hoggaaminayo Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Siciid Cali Muuse isla markaana ay ku weheliyaan laba xubnood oo ka mid ah Komishanka kuwaasi oo kala ah Cabdiraxmaan Sagal iyo Maxamed Jaamac, ay iyaguna socdaalkooda ka bilaabi doonaan Magaaladda Burco, iyagoo soo dhisi doona shaqaalaha komishanka  ee gobollada Tog-dheer, Sanaag iyo Sool.

 

Arrintan ayaa ka dhalatay ka dib markii Komishanka doorashooyinku ay toddobaadkan shaaca ka qaadeen inay bisha July dalka ka bilaabi doonaan diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha oo fure ah in doorashooyinka Wakiiladda iyo Madaxtooyadu dalka ka qabsoomaan.

 

Leave a Reply