‘Axsaabta Mucaaridku Haddii ay Raaci Waayaan Dastuurka Waxba Noqon Maayaan’

0
399

By: Khadar M. Dhako

 

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay labadda xisbi mucaarad  iyo kooxda sharci darada ah ee la baxday Madasha  Wada Tashiga ee ay ku sheegayeen inay qaban doonaan shir lagu duminayo qaranimadda Somaliland, marka la gaadho 26-ka bisha Juun ee sanadkan.

Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin sharci ay ku fadhiyaan kooxda la baxday Madasha Wada Tashiga, waxaana uu xusay in xisbiyadda mucaaradka haddii ay raaci waayaan dastuurka dalka u yaala in aanay jiri doonin.

Dr. Cali Aw Yuusuf oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “wadankani dastuur ayuu leeyahay oo uu ku kala socdaa, nimankaa la yidhaahdo Madasha Wadda Tashiga sharci ay ku fadhiyaan ma jiro oo dastuuri maaha, axsaabta mucaaradka ahina sharciga wadanku leeyahay haday raaci waayaan iyaguna waxba noqon maayaan, dastuurka iyo shuruucda dalka ayay ku jiraan oo ay wax ku yihiin inay dafiraana maaha, Golaha Wakiiladdana sharci ayaa lagu kala diri karaa.”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda waxa uu tilmaamay in dib u dhaca doorashada ay sabab u tahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee aan la hirgalin, waxaana uu yidhi “waxa ay ahayd in Golaha Wakiiladda uu badalo gole kale oo la soo doortay inuu badalo ayay ahayd.Lix bilood gudahoodna lagu qabto doorashada Golaha Wakiiladda ayay noqon lahayd, waxa loo qaban waayayna ee dib ugu dhacday diiwaangelintii codbixiyeyaasha ayaan dhamaystirnayn, diiwaangelintaas oo la hirgaliyo mooyaane doorasho ma dhacayso, oo sharci ayaa ka yaala imikana wali taasi ma muuqato, markaa odayaashaasi way baal marsan yihiin sharciga iyo dastuurka.”

Guddoomiye ku xigeenka labaad waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka Somaliland in aanay aqbalin dastuurka jabinta ay wadaan mucaaradku, waxaana uu yidhi “shacabka Somaliland waa waayo arag dawlad ayay hastaan, waxa loogu baaqay dawlad la’aan, taasina inay yeelaan maaha, waxa aan leeyahay shacabku dastuurkooda dib ha u eegaan, wixii dastuur jabinayaana aanay aqbalin.”

 

 

Leave a Reply