Biyaha Wasakhaysani Waa Waxa Ugu Badan Ee Sababa Dhimashada Dumarka

0
386

Daraasad ay dhowaan sameeyeen koox u dhalatay dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegay in biyaha wasakhaysani yihiin waxyaalaha ugu badan ee sababa dhimashada dumarka,iyaga oo ku tilmaamay shayga ugu weyn ee keena.
Daraasadan oo ay sameeyeen koox lagu magcaabo  Water Aid ayaa la kaashanaayey daraasadan jaamacaddo wadankaasi ku yaala iyo maxado ,kuwaas oo kaalmo kala duwan ka qaatay samaynta daraasadan,waxaanay ku sheegeen biyaha wasakhda ah waxa ugu weyn ee laaya dumarka.
Daraasadan ayaa lagu sheegay inay sannad walba u dhintaan 800,000 oo dumar ahi biyo nadiifa oo aanay helin iyo xanuuno ka dhasha biyaha wasakhda ah ee ay cabayaan intaba.
Barbara Frost oo ah agaasimaha ururkaasi Water Aid ayaa sheegtay in aanay wax la aqbali karo ahayn arrintani,waxaanay sheegtay inay dumarka samayn badan ku yeesheen dhinaca waxbarashada ,sumcada iyo caafimaadka oo hadda noqday ka ugu daran,taas oo keenta ugu dambayntana geeri.
Waxay  warbixintooda ku sheegeen in biyo xumidaasi ay ka daran tahay xanuunada kale ee faaliga,wadne xanuunka,infection-ka iyo waxyaalaha kale ee loo dhinto inta badan maanta.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in dumarka caalamka ay saddexdii dumaraba mid kamid ahi aanay haysan caafimaad ku filan,sidoo kalena waxay sheegeen in tobankii dumar ah ee kastaba aanay aanay 5 kamid ahi haysan biyo nadiif ah.
Waxaanay sheegeen inay dumarka wadamada soo korayaa ku umulaan guryo biyohoodu aanay nadiif ahayn,taasina ay keento dhimasho iyo caafimaad xumo intaba.
Wadamada soo koraaya kuwo badan oo kamid ah ayay sheegeen ururkaasi inay dumarku ku dhiban yihiin dhinaca musqulaha oo anaay haysan,taasina keento inay dibada aadaan ,lana kulmaan dhibaato kufsigu kamid yahay.
Wadamo kamid ah kuwa soo koraaya waxay dumarku waqtigooda ku lumiyaan ama ku qaataan biyo raadin ,iyaga oo ceelasha kasoo dhaami guryahana kula soo noqda,taasina ay dhibaato badan ku hayso.
 

Leave a Reply