Guddoomiyaha Selal Oo Xukuumadda Dhexe Ugu Baaqay Inay Gurmad Biyo-dhaamis ah la Soo Gaadhaan Deegaamo Halis ugu Jira Biyo La’aan

0
405

Saylac(Dawan):-Guddoomiyaha Gobolka Selal Cabdirisaaq Waabari Rooble,ayaa sheegay in xaalad  abaareed oo baahsani ka taagan  tahay gobolka Selal, taasoo uu sheegay in ay dadka iyo duunyadaba ku hayso dhibaato  weyn.
 
Guddoomiyuhu  waxaa kale  oo uu  sheegay in ay  xukuumadda dhexe ka  dalbadeen gurmad biyo dhaamis ah oo lagu badbaadiyo dadka ay abaartu hayso.
 
Guddoomiyaha Gobolka Selal  oo khadka Telefoonka  ugu waramay wargeyska Dawan isagoo ku sugan Saylac , waxaa kale oo uu ka hadlay Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti isu socodkiisa iyo sida ay uga hortagaan  tahriibayaasha isku daya in ay ka tahriibaan xeebaha gobolka Selal.
 
“Horta gobolka xaalad abaareed oo baahsan ayaa ka jirta ILAAHAY  ayaana innaga jabin kara, abaarta deegaanka  ka  taagan oo wada saamaysay deegaanka oo dhan ha ugu sii badnaato dhanka xeebta oo dhane,  waxaana jirta in riigii ku yaalay laagta morohda in uu  naga jaban yahay oo uu muddo labaatan cisho ahba naga fadhiyay,waxaanan dawladda dhexe ka codsanaynaa in ay nala soo gaadho gurmad deg deg ah oo biyo dhaamis ah oo lala soo gaadho dadka ay biyo la’aantu hayso oo imika khatar ku sugan isla markaana xaalad aadaminimo oo dhib badan ku sugan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selal ,waxaa kale oo aanu wax ka waydiinay sida uu yahay xadka  isku xidha Jabuuti iyo Somaliland xiligan ee laisaga gudbo.
 
Guddoomiyaha oo ka hadlayay soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti waxa uu yidhi “Xadku wuu furan yahay labada dalbana waa la isaga gudbaa laakiin waxaa jira taxadir badan labada dhinacba kaantaroolo baadhitaan ayaa ah, waxaanad ogtahay waxyaabaha  mushkilada ah caalamka ku soo kordhay taasina waxay keentay in dhan waliba Feejignaan sameeyo oo uu ogaado cidda soo galaysa iyo cidda ka gudbaysaba laakiin xadku  wuu furan yahay dhibaatona kama taagna.”
Waxaa kale ooaanu wax kawaydiinay sida ay ula socdaan dad tahriibayaal ah oo la sheegay in  ay isku dayaan in ay ka tahriibaan xeebaha gobolka Selal,waxaanu ku jawaabay. “Horta in badan namaba soo gaadhaan oo intaanay soo gudbin ayay qabtaan ciidanka socdaalku laakiin wixii ka soo gudba  annaguna waanu qabanaa oo dib ayaan ugu celinaa deegaanaday ka yimaadeen.”
 
Ugu dambayn waxaanu waydiinay waxay kala socdaan maamul ahaan doonyo kalluumaysi sharci darro ah oo la sheegay in ay ku sugan yihiin xeebaha badda gobolka Selal,waxaanu yidhi “Xiligan ma jiraan doonyo kalluumaysi sharci darroah oo ku sugan biyaha badda  gobolka Selal,  waxa  heegan ugu jira oo mar kasta  dedaal ugu jira ka hor tagga kaluumaystada sharci darada ah ee shisheeye ciidanka ilaalada xeebaha oo aan shaqadooda sida wanaagsan ee ay uga soo baxaan  aan maamul ahaan ku ammaanayo.”
By: Faysal Xiis Weerar (Af-gaab
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply