Xukuumadda oo ka Hadashay Waajibyo Kaadhka Aqoonsigu ku soo Rogayo Muwaadiniinta

0
375

Hargeysa  (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa ka hadlay waajibaadyo uu la iman  doono kaadhka aqoonsiga Somaliland oo laga doonayo muwaadiniinta reer Somaliland  marka ay xawaaladaha ka doontaan lacagaha  taasoo aanay dhici doonin in ay xawaaladuhu  lacag siiyaan qof aan sidan kaadhka aqoonsiga muwaadinka Somaliland.
Waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland in aanay hoteladu  ka kirayn karin qof kasta  oo aan sidan kaadhka aqoonsiga Somaliland waxaanu intaa ku daray in bisha soo socota kowdeeda ay arrintaasi  dhaqan galayso
 
Wasiir Warancade oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu sheegay in ciidamada amaanku ay baadhitaano ka samayn doonaan waddooyinka, islamarkaana dadka gaadiidka wata ay weydiin doonaan aqoonsiga muwaadinimada Somaliland.
 
 
 
“Maanta (shalay) waxaanu shir lahayn qolada Xawaaladaha, waxaanan ka wada hadalnay arrimo khuseeya dhaqaalaha iyo nabadgeylada dalka, waxaad ogtihiin in dadku 70% ay qaateen aqoonsiga muwaadinnimada ama kaadhka dhalashada,  kaadhka dhalashada dad badan ayaa u fahamsan in loo sameeyey doorashada oo keliya, laakiin waxyaabo badan ayaa loo sameeyay oo ah dadkii wadankan u dhashay in la yaaqaano islamarkaana inuu xagga nabadgelyada fure-weyn u yahay, markaa waxaan doonayaa inaan halkan dadka uga sheego Xawaaladahana aanu ka wadahadalnay oo ah meelaha ugu badan ee ay dadku tagaan waxaa ka mid ah Xawaaladaha , waxaanu ku heshiinay in qof aan lahayn ID Kaadh (Aqoonsiga Muwaadinnimada) in aan wax lacag ah  Xawaaladaha laga siin karin bisha kowdeeda markay gaadho,”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadalkiisa sii wata isla markaana dadka  u sheegaya faa’iidada uu leeyahay kaadhka aqoonsiga muwaadinka Somaliland ayaa yidhi “Dadka waxaan jelcahay inaan u sheego in aanay ku lu’gin Xawaaladahaas ee qof waliba marka laga reebo labada gobo l Sool iyo Sanaag, Somalland inteeda kale oo dhan oo todobaadkan laga bilaabi-doono Diwaangelinta muddo bil ahna ay socon doonto oo iyagu bishaa wey ka dambayn doonaan, laakiin gobolada intooda kale oo halkan aanu ku heshiinay annaga iyo Xawaaladuhu in qof aan la aqoon wuxuu yahay oo Kaadhkii Muwaadinnimada aan sidan in aan Xawaaladaha waxba laga siin karin.” Ayuu yidhi Wasiir Warancade.
 
 
 
Wasiirku waxa uu mulkiilayaasha Huteelada ugu baaqay in aanay ka karayn karin qof aan sidan aqoonsiga muwaadinnimada, waxaanu yidhi “Dadka waxaan ku boorinayaa qofkii haysta kaadhka Muwaadinnimada waa inuu jeebka ku haysto, qofkii aan haysana meel walba imika wuu yaalaa oo laga diwaangelinayaa inay degdeg u tagaan, waxa iman doonta marka Wasaaradayada laga bilaabi bisha kowdeeda qof aan kaadhka muwaadinnimada nambarkiisa laga qorin in aanu albaabka ka soo geli doonin oo aanu iman ka karin, xataa marka Talefoonka la i soo diro ee la yidhaahdo hebelbaa taagan, habel dambe oo la aqbalayaa ma jiro waxa weeyaan sumadiisa eega, hadduu aqoonsiga muwaadinnimada sito uunbuu soo gelayaa, haddii   qof ajnabiya uu  yahayna wixii lagula macaamili lahaa baanu samaynaynaa. Waxa iman doonta in aan Iskuulada la tegi karin , waxaa iman doonta  inaan Huteelada la geli karin oo aan u sheegayo dadka Huteelada leh in bisha kowdeeda Huteelada dadka ku jira waanu baadhi doonaa oo Ciidamo ayaanu u samaynay , wixii bisha kowdeeda ka dambeeya Huteelka laga waayo dadka ku jira inay Aqoonsiga muwaadinnimada leeyihiin, wuxuu noqon doonaa Huteel waayi doona sharciyadiisa oo aanu u aqoonsano Huteel ka soo horjeeda nabadgelyada dalka.”
Sidoo kale Wasiir arrimaha gudduhu waxa uu intaas ku daray  “Dhawaan waxaanu samayn doonaa, Booliska waad ogtihii had iyo jeer baadhitaano ayaanu ka samaynaa wadooyinka oo dadka qaar waa la eegaa, waa la joojin doonaa dadka baabuurta wata oo imika waa la eegaa uun waxa la yidhaahdaa yaa ku jira , laakiin waxa la odhan doonaa aqoonsigaaga muwaadinimo keen dhalinyaradu wey iska xamilayaan, laakiin odayaasha magaalada waxaanu u sheegayaa iyo raga waaweyn Ninka aqoonsigiisa muwaadinimo, waxaanu egaynaa meel uu seexdo inkasta oo aanay gogol wanaagsan lahayn oo inta uu ka soo qaadanayo aqoonsigiisa muwaadinimo halkaasuu joogi doonaa isaga iyo baabuurkiisuba. Geerashyo waaweynbaanu ku xerayn doonaa maacaa baabuurkiisa, waa laga yaabaa in aan aad loo xaadhin oo dhagaxaan iyo qururux yeeshaan markaa habeen iyo labana waad iska dulqaadan doontaan haddii aad soo qaadan weydaan aqoonsiga muwaadinimada, sida darteed waxaan u sheegayaa waxoogaaga yar ee dadka hadhay si kastaba ha u jeedaane ee aan weli qaadan in aanay dalkan dhex socon karin ama ku dhex noolaan karin qof aan sidan aqoonsigii muwaadinimada Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply