Qaraxyo ka Dhacay Kaniisado ku yaala Bakistaan

0
364

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay laba kaniisadood oo ku yaalo magaaalada Lahore ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka.
Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxyadan oo ka dhacay xaafad ay ku badan yihiin masiixiyiinta.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku waramaysa in tirada dhimashada ay intaa ka badan tahay
Qaraxyadan mataanaha ah waxa ay dhaceen xili mashquul badan, iyadoo dad badan ay ku cibaadaysanayeen kaniisadaha.
Bulshada masiixiga ee Pakistan waxaa inta badan bartilmaameedsada mintidiinta.
Koox Taalibaan ka go’day, oo la magac baxday Jamaacatul Ahraar ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ka dambeysay.
 

Leave a Reply