Halkee Ayay u Jihaysan Yihiin Jiilka Maanta?

0
431

Dhinaca kale ee qormadeena waxaynu ku soo qaadan doonaa sida ay u fekeraan dhalinyarada maanta jirtaa. Sida aynu wada ogsoonahay umad waliba waxaa ay ku faantaa waa hadba dhalinyarada ku nooli sida ay u fekeraan iyo nooca ay tahay inay adduunyada u wajahaan iyo siday illahay ugu xidhan yihiin, meesha ay tahay inay ku dayashada ka qaataan iyo waliba cida ay tahay inay ku daydaa. Dhammaan waxyaabahaas aynu soo sheegnay haday noqdaan kuwo lagu guulaysto oo ay dhalinyaradu garto meesha saxda ah ee ay ka qaadanayaan waxaa hubaal ah in wadaankaaasi noqonayo kan aduunyada hogaanka u ah ama hormuudka u ah.
Geesta kale dhalinyaradu haday noqdaan qaar ku dayashada iyo hab nololeedkooda ka qaata meelo kale isla markaana fekerkoodu noqdo mid qaldan oo qaloocday waxaa iyana hubaal ah in qarankaasi liicaayo kana mid noqonaayo qaramada fashilma ee guul daraysta oo hoos u dhac kaga yimaado xag dhaqan ahaan dhaqaale.
Hadii dal dhalinyradiisu samayn waydo dadaal horumarineed waxa iyana run ah in dalkaasi ka caydhoobayo horumaro badan oo da’a yarta ku xidhan.
Hadaba hadii aynu ka hadalno dhalinyarada dalkeena Somaliland waxa loo baahan yahay in da’a yarteena laga ilaaliyo figradaha aan fiicnayn ee mudooyinkii u dambeeyay aduunka ku soo badanaayay, sida kuwa ku saabsan in bulshada laga fidneeyo xagga deenta. Waxa kale oo loo baahan yahay in da’a yarta lagu baraarujiyo had iyo jeer qiimaha uu leeyahay dhaqankeena soo jireenka ahi.
Inta badan waxa jira in dhaalinyrada qaarkood ay ku hamiyaan tagitaanka wadamo shisheeye iyadoo wadankoodu yahay qani wax kasta laga heli karo hadii loo soo jeesto.
Wadankeena waxa yaala oo alle ku manaystay khayraad aad u badan iyo dhul aad ugu haboon xagga wax tabcashada leh-na qorax aad u badan oo u baahan in laga faa’iidaysto.
Waxyaabaha kale ee u baahan in dhalinyaradu ka waantowdo waxa ka mida xagga labiska ama dharka ay xidhaan, kuwaas oo inta badani ay ku daydaan dhaqano shisheeye.
Ugu dambayn waxa loo baahan yahay in guud ahaan dawlad iyo shiciba loo guntado sidii loo waanin lahaa dhalinyrada wadankeena oo ah aayihii qaranka.

Leave a Reply