Dhibaatooyinka ay Dhalinyaradu Kala kulmaan Tahriibta

0
311

Geesta kale ee qormadeenan waxaynu kusoo qaadan doonaa dhibaatooyin aan tirada lahayn ee da’a yartu kala kulmaan safarka halista badan ee tahriibka. Tahriibku  waa safar halis badan oo runtii aad iyo aad u adag, waxaad la kulmaysaa adoonsi kii ugu xumaa iyadoo laguula dhaqmayo sidii la doono oo aanad xitaa ka hadli Karin hadiiba ay ku soo gaadhsiiyaan dhaawacyo dadka ku tahriibinaya oo runtii ay shaqo u noqotay in dadka la uus miirto. Tahriibku maaha wax lagu hodmo oo dadku isku dhaafo runtii waa fikir qaldan oo aan ku banaanayn sharafta qofka adamaha ah ee tahriibaya iyo kan shareecadeena diinta Islamka.
Tahriibka dhibkiisu wuu ka badan yahay dheeftiisa waayo, halisa aad naftaada ku biimaysay oo kaliya ayaanad helaynba wax kaa soo celiya, yadoo aynu ognahay kuwa iminka ku sugan Europe meeshay doonaan hakaga sugnaadaane ma haystaan nolosha aan ku haysano dalkeena Somalianld, waayo halkan waxaad la joogtaa oo ku garab taagan dhamaanba ehelkaagii iyo qaraabadaada oo aan kuu ogolayn in dhibaato ku soo gaadho noocay doonto ha ahaato.
Runtii tahriibka dhalinyarada oo mudooyinkan danbe aad moodo inuu sidii hore kasii batay
Dhalinyradu dhaqaaalaha ay ku bixinayaan tahriibka hadii ay ku samaysan lahaayeen ganacsi oo inta ay isku tagaan ay dalkooda maal gashadaan waxay noqon lahayd mid iyaga wax u tarta, dalkooda iyo dadkoodana waxtar aad u balaadhan u yeelata.
Ugu dambayn tahriibku waa aafo, waxaana loo baahan yahay in shacab iyo dawladba meel looga soo wada jeesto, oo fadhiga laga kaco.

Leave a Reply