Obama oo Sheegay in ay Reer Iiran Fursad Haysataan

0
317

Madaxweyne Obama ayaa fariin uu u diray hogaamiyayaasha iyo shacabka Iiraan ku sheegay in aysan jirin waqti ka fiican hadda oo la wanaajin karo xidhiidhka labada dal.
Fariin uu u diray Iiraan shalay oo ku beegnayd  sanadka cusub ee dalkaasi ayaa Obama waxa uu sheegay in labada dal ay haystaan fursad taarikhi ah oo mudan in aysan lumin.
Iran ayaa wadahadal ku saabsan barnaamijkeeda nukiliyarka kula jirto lixda waddan ee ugu awoodda weyn dunida.
Obama ayaa sheegay in haddii Iran aqbasho heshiis lagu xakamaynayo hubkeeda nukiliyarka uu dalkaasi noqon doono “goob barwaaqo”.
Balse waxaa uu ka digay in haddii heshiis la gaadhi waayo uu dalkaasi wajihi doono go’ddon caalami ah.
 

Leave a Reply