Daacish oo u Hanjabtay Askar Maraykan ah

0
334

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ay si shaqsi shaqsi ah u wargelinayaan ilaa boqol askari oo rag iyo dumar isugu jira in la bartilmaameedsan doono, kuwaas oo magacyadooda lagu shaaciyey bar internet oo lala xidhiidhinayo Daacish.
Koox aan hore loo aqoon oo la yiraahdo Qaybta Dhaca Internetka ee Dawladda Iislaamiga ayaa dadka taageera ka dalbatay inay dilaan dad liis ku qoran oo ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weerarrada cirka ee dhanka ka ah Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya. Magacyadooda, masawirradooda iyo cinwaannadooda ayaa la soo geliyey internetka.
Hay’adda dambi baarista ee ciidanka badda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaaddaas loo jeediyey askarta Ameerikaanka aan la xaqiijin. Waxay sheegtay in milateriga lagula taliyey inay iska hubiyaan inta ay le’eg tahat xogta ku saabsan shaqsi ahaantooda ee Internetka laga heli karo.