Toddoba Shil Oo Dhimasho Keenay Ayuu Ka Badbaaday

0
409

Franco Selan oo u dhashay dalka Kuraweshiya ayaa la sheegay in si yaab leh uga badbaaday toddoba shil oo kala duwan :   Wuxu ka badbaaday Tareen uu la socday oo ka baxay dariiqa ayna ku dhinteen 17 qof, isaguna wuxu ka jabay feedh keliya. Mar kalena Dayuurad u la socday ayaa burburtay waxaana uu ka mid noqday tiradii yarayd ee ka badbadaay iyadoo ay ku dhinteen 19 qof. Baabuur Bus ah oo u la socday ayaa ku qarxay kuna dhacay webiga waxaana yaab noqotay sida shilkan uu uga baxay. Gaadhigiisa ayaa gubtay wax yar ka dib markii uu ka degay. Waxa kale oo uu ka badbaaday markii gaadhigiisa ay duqad xun kaga timi gaadhi kale.  Iyadoo intaasi oo dhami jirto ayaa haddana ku guulaystay bakhtiyaanasiibka lagu magacaabo Yaanasiib oo uu galay  isagoo helay lacag dhan rubuc malyuun doller. Waxaana la sheegay inuu yahay nin nasiib badan.

Leave a Reply