Suldaan Ka Hadlay Nabadeynta Beelo ka soo jeeda Buuhoodle Iyo Qorilugod

0
361

Hargeysa(Dawan):- Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Culimada  ka soo kala jeeda  Buuhoodle iyo Qorulugod  ayaa  muddaba   ku hawlanaa sidii ay xal waara oo nabadeed uga gaadhi lahaayeen colaad soo noq-noqotay oo ka dhex taagnayd labaas ardaa.
Suldaan Siciid Cismaan Cali oo ka mid ah Salaadiinta  ku hawlan hir-galinta gogosha nabadeed ahna hoggaamiyaha madaxdhaqameedka  Buuhoodle oo ka war bixiyay halka ay hawshu u marayso ayaa ,yidhi “Inkasta oo xidhiidhkayaga madaxdhaqameed yahay mid joogto ah anigu waxaan ka xog warami karaa dhinacayaga, nabadayntanina waa mid naga go’an’ wax kasta oo aanu ku helayno  nabad gelyana waanu qaadanaynaa wax shuruud ah oo aanu ku xidhaynaana ma jirto.”
Suldaanka oo DAWAN u waramayay ayaanu wax   tirada guud ee ka soo qayb galaysa gogosha nabadeed ayaa ku jawaabay. “Annaga waxaa noo qorshaysan 25 xubnood oo afar ka mid ahi isimo yihiin, laakiin dhinacooda waxaa maqal nagu soo gaadhay tiro intaas leeg.”
Suldaanku isagoo ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay goobta la isla qaatay ee ay gogosha nabadeeed  ku qabanayaan, ayaa ku jawaabay “Waxaanu isla qaadanay gogosha nabadeed in ay noqoto      deegaanka Boodhariga oo u dhexeeya xaadhadhanka iyo coodanle.”
Suldaan Siciid oo aanu weydiinay in kulamadda ugu horeeya lagu qaadi doono in laga heshiiyay dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii u dambeeyay, waxaanu yidhi  “ma jirto tiro hada dhimasho laga wada hadlayaa waa qorshayaasha dambe taasi, waxaa ka horaysa in la isla qaato nabad,ciidamada la kala raro, hub ka dhigis la sameeeyo ka dib baa loo gudbayaa arrimahaas.”
By: Faysal Axmed Kaarshe.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply