Saxaabiga Tamiim Ad-daari (Rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “ Diintu waa waano”. Waxaannu ku nidhi: Rasuulkii (scw) Alloow yay u tahay? Wuxuu yidhi: ‘ Waxay u tahay Alleh(sw), Qur’aanka, Rasuulkiisa, iyo muslimiinta- dawladda iyo dadweynahaba’. (Muslim)182. Jariir bin Cabdullaah (Rc) wuxuu yidhi: “ Waxaan Rasuulka Alle (scw) Axdi kula galay inaan salaadda oogo oo sekada bixiyo, iyo inaan wanaag la jeclaado qofkasta oo muslim ah oo naseexeeyo’. (Bukhaari iyo Muslim).
Saxaabiga Anas (Rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “ Midkiina mu’min dhan noqon maayo ilaa uu walaalkiisa Islaamka ah la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay”. (Bukhaari iyo Muslim).
Imaamu Shaahficina waxa uu yidhi ariimaha madaxnimada lagu helo waxa ka mid ah waanada oo lagu deeqo, Run sheegid, balan dhawrid, iyo amaanada oo la ilaaliyo.