Israa'iil iyo Basaasida Wadahadallada Iiraan

0
346

Israa’iil ayaa diidday in ay basaastay wadahadaladii u dhaxeeyay Iran iyo lixda dal ee dunida ugu awoodda weyn ee ku saabsanaa Nukiliyarka Iran.
Sarkaal sare oo Israa’iil ah ayaa BBC-da u sheegay in sheegashada uu daabacay wargayska Wall Street Journal ay tahay been abuur.
Wargaysku waxa uu sheegay in Israa’iil ay rabtay macluumaadka wadahadalka si ay u diyaarsato kiis ka dhan ah heshiis kasta oo lala galo Iran.
Labada dhinac ayaa la filayaa inay heshiis gaadhaan dabayaaqada bishan March.
Isra’iil ayaa sheegtay in heshiis kasta oo lala galo Iran uu u suuragelin doono in Tehran ay samaysato hub nukliyar ah.
 

Leave a Reply