Angola: Suxufi Maxkamad lagu soo Taagay Buug uu Qoray

0
374

Suxufi caan ah oo reer Angoola ah ayaa lagu soo oogay eedaymo la xidhiidha inuu meel ka dhac ku sameeyay  janaraallo ka tirsan milateriga kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku lug lahaayeen ganacsigii dheemanta dhiigga  “blood diamond”.
Suxufiga Rafael Marques de Morais ayaa ku eedeeyay todoba janaraal in ay xidhiidh la lahaayeen dilal, jidh dil iyo dhul boob  aagagga hodanka ku ah dheemanta ee Angoola.
Dhawr qof ayaa loo xidhay in ay ka mudharaadeen kiiska ka dhanka ah suxufiga.
.
Mr de Morais ayaa ahaa waqti dheer mid aad u dhaliila madaxweyne Jose Eduardo dos Santos’oo muddo  35-sano ah soo xukumayay  Angola.
Marar hore ayaa suxufiga la soo xidhey oo uu mar  43 cisho ku jirey xabsiga isaga oo loo heystay maqaal uu ku qorey jariirad gaar ah 1999.
President Jose Eduardo dos Santos (R) has ruled Angola for 35 years
Kiiska u danbeeyay ee ka dhanka ah  suxufiga  Mr de Morais  kadib markii uu qorey bug la magacbaxay Blood Diamonds: Torture and Corruption in Angola.
 

Leave a Reply