Ma Quraan Ayaa lagu Qoray Madaafiicdii Hitler?

0
415

Hogaamiyihii Jarmalka Adlof Hitler ayaa markii ciidamadiisu ku sii gurguuranayeen Moosko sanadkii 1941 ee uu socday dagaalkii weyn ee labaad, doonay  inuu jeediyo khudbad ruxda quluubta caalamka, sidaas darteed wuxu ka dalbaday la taliyayaashiisa inay keenaan kelmad xikmad ah oo ku haboon, kuna wanaagasan, kuna weyn  oo uu ku bilaabo khudabdiisa, taasi oo ruxaysa quluubta Caalamka. Kana soo baadhaan Kutubta diimaha samaawiga ah, odhaahyadii Faylasuufka ama gabayaasha.  Waxayna baadhis ka dib heleen inay u dhiganto maalinta la joogo inuu ku biaalabi karo  Aayadda Quraanka ah “(اقتربت الساعة وانشق القمر). Saacadii way dhowaatay Dayaxiina wuu dhambalmay. Hitler ayaa aqblay kuna bilaabay khudbadiisa aayadaasi. Waxaana isla markiiba Aayada lagu wada qoray dhuumaha Madaafiicdad Ciidamada Jarmalka. (Source:Sh.Dr.Caa’id Qarni- Kitaabka Adlof Hilter page 38).
 

Leave a Reply