Gaadhi Lagu Birintar Gareeyey Qalab 3D Ah Oo Suuqyada Markii Ugu Horeysay Lagu Soo Bandhigay

0
378

Waxa markii ugu horeysay wadanka Chine lagu sameeyey gaadhi lagu daabacay aalad   cusub ama qalab cusub oo ah nooc sida birintarada u shaqaynaaya,kaas oo soo saaraaya gawaadhida qalabkooda oo kala duwan.
Gaadhigan lagu sameeyey Printer ka 3 D-ga ah ayaa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay suuq kamid ah suuqyada dalkaasi Chine,gaar ahaana magaalada lagu magcaabo Hainan oo ku taala Koonfurta wadankaasi Chine,halkaas oo ay ku taalo wershada soo saartay qalabkaasi iyo gaadhigaasiba.
Gaadhigan ayaa ka samaysan walax sida birta ah oo saddex qaableh ,taas oo aad u dhuuban,waana mid aan loogu talo gelin meelaha rafka ah ,inkasta oo masuuliyiinta shirkadaasi sheegeen inay tahay tani tijaabo lagu eegaayo gaadhigani inuu yahay mid shaqaynaaya.
Dhererka gaadhigan ayaa noqonaaya ama gaadhaaya  3.6 meters halka uu balaciisuna noqonaayo 1.63  meters,waxaana laga sameeyey biro aad u jaban oo aan aad u adkayn,waxaanay sheegeen masuuliyiinta shirkadda gaadhigan soo saartay inay shan cisho oo keliyaata ku qaadatay soo saarista gaadhigani,sidoo kalena uu noqonaayo mid loo kaxaysan karo sida gawaadhida caadiga ah.
Chen Said Qiao Ming oo ah agaasimaha dhinaca farsamada ee shirkadaasi ayaa sheegay inuu gaadhigan qaadi karo laba qof,kuwaas oo ku tegi kara meelaha leh wadada hagaagsan,sidoo kalena waxa uu sheegay inay ku talo jiraan inay soo saaraan gawaadhi sidan oo kale ah ,kana adag kan iminka kana tayo badan.
Chen waxa uu intaasi ku daray inuu gaadhigan yahay mid birta uu ka samaysan yahay ka fududahay kuwa caadiga ahi birta ay ka samaysan yihiin,sidoo kalena waxa uu sheegay inay birta sidaa uga dhigeen si ay u kaydiso tamartii badnayd ee uu isticmaali lahaa.
Waxaanu gaadhigan ku shaqaynayaa Jaaj garayn,iyada oo beytarigiisa la jaajar garayn karo,sidoo kalena waxa uu gaadhigan socon karaa masaafo aad u badan marka loo eego tayadiisa ,waxaanu socon karaa masaafo dhan 40 km saacadii.

Leave a Reply