Gabadh Hadiyad Qaaliya Usoo Xidhay Ninkeedii Oo Aroosanaayey Gabadhii Labaad Ee Uu Guursado

0
342

Gabadh u dhalatay wadanka Sucuudiga ayaa ka yaabisay ninkeedii,kadib markii uu uu guursaday gabadh labaad,waxaanay  ku samaysay wax aanu filayn inay dhici doonaan,kadib markii ay usoo xidhay hadiyad la yaab ku noqotay.
Gabadhan ayaa habeenkii aqal galka ninkeeda ,waxay soo xidhay hadiyad ay ku jiraan 10,000 oo lacagta dalkaasi Sucuudiga ah,sidoo kalena waxay soo raacisay Mobile iPhone 6 ah iyo shandad cadaro ah,kuwaas oo qaali ah,waana cadaro qaaliya oo lagu yaqaano shirkad gaara ,aadna looga jecel yahay wadanka Sucuudiga.
Ninkan caruuska ah oo lagu magcaabo Xamdan Maxamed Shmrani kana mida ciidamada ilaalada Shidaalka dalkaasi Sucuudiga,gaar ahaana meelaha ku dhow dhow magaalada Makka ayaa  ahaa mid u dabaal degaayey xaflada arooskiisa,kaas oo ka dhacaayey meel kamid ah gobolka lagu magcaabo Makhwah oo dalkaasi kamid ah,waxaana kasoo qayb galay xafladaasi ,asxaabtiisa,ehelkiisa iyo dad kale oo gudanaayey  waajibnimada hambalyada saaxiibkood iyo ninkan ay ehelka yihiin.
Waxaanu ninkaasi caruuska ahi mar keliyaata ku war helay haddiiyad weyn kana duwan hadiyadaha kale,taas oo dhex taalay haddiyadihii loo keenay,waxaanay taasi keentay inuu soo qaado oo eego,kadibna uu furo,waxaana lagu soo lifaaqay waraaq muuujinaysa cida soo dirtay iyo waxyaalaha ku jira,kadib markii uu furay ee uu akhriyey waxa ka soo baxay magaca xaaskiisii kowaad oo ah caruurtiisa hooyadood.
Dhacdadan ayaa noqotay mid la yaab ku noqotay dadkii halkaasi joogay ama xafladaasi kasoo qayb galay,iyada oo aan marna la filayn arrintan oo  kale,waanay yartahay dhicitaankeedu,madaama oo aanay dumarku jeclayn in gabadh kale ku soo biirto qoyska ninkeeda,gaar ahaana dhinaca guurka.
 
 

Leave a Reply