Golaha Deegaanka Cardiff Oo Maanta Cod U Qaadaya Madax- banaanidda Somaliland

0
345

Cardiff (Dawan):   Golaha Deegaanka ee Magaallo Madaxda Gobolka Wales ee Cardiff oo ka mid ah Afarta Gobol ee ay ka kooban tahay Boqortooyadda Ingiriiska ee loo yaqaan Great Britain, ayaa  la filayaa in ay  maanta  cod u qaadaan  aqoonsiga  Jamhuuriyadda Somaliland.
Fadhigan ay isugu imanayaan Golaha Deegaanka ee Magaaladaasi ayaa dhinaca Somaliland waxa uga qayb galaya ama goob joog ka noqon doona, Wasiirro ka tirsan xukuumadda, oo uu ka mid yahay wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis,  wasiirka madaxtooyadda, safiirka Somaliland ee  UK,  guddoomiye ku xieenka  koowaad ee golaha wakiiladda iyo xubno kale.
Sidoo kale waxaa la filayaa in ay fadhigaasi golaha deegaanka ee  Cardiff ay goob joog ka noqdaan   Jaaliyadda reer  Somaliland ee dalka Ingiriiska qaybo ka mid ah  iyo daneeyeyaasha Qadiyada Madax-banaanida Somaliland.
Magaaladan oo ay caadi ahaan ku nool yihiin tirada ugu badan ee dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Dhulka Somaliland ayaa si aad ah golaheeda.
 
deegaanka isha loogu haya, waxaanay noqonaysaa Magaaladii Labaad ee ka tirsan dal weynaha Ingiriiska ee ay golaheeda Deegaanku ku dhiiradaan in ay cod u qaadaan Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Sheffield ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay cod u qaaday qadiyada Madax Banaanida Somaliland, waxaanay u aqoonsadeen in ay Somaliland Tahay Qaran Madax Banaan.
Si kastaba ha ahaatee  dadweynaha Somaliland ayaa ka dhursugaya Natiijada Cod Bixinta Golaha Deegaanka ee Magaaladda Cardiff ay maanta u qaadayaan madax-banaanida Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply