Beesha Gabooye Oo Muujiyay Taageeradda Ay U Hayaan Xisbiga Kulmiye

0
374

Hargeysa (Dawan):  Beel-waynta  Gabooye oo  ka mid ah beelaha degga  Somaliland ayaa soo bandhigay, isla markaana  muujiyay   taageeradda balaadhan ee ay u hayaan xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga taladda haya ee Kulmiye.
Waxaanay beel-weynta Gabooye deedifeeyeen hadaladda sheegayay  in beeshoodu ay ku biirtay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanay tilmaameen in aanay af-ka beeshooda ku hadli Karin  shaqsiyaad gaar ah   oo ay dabadda ka riixayaan xubno madaxtinimo doonaya.
 
Sidaasina waxay ku cadeeyeen beesha Gabooye  munaasibad  balaadhan oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa,   taasi oo ay  ku soo bandhigeen taageerayaashan ka soo jeeday beesha Gabooye sida ay u taageersan yihiin xisbiga Kulmiye iyo xukuuamdda Madaxweyne  Siilaanyo.
 
Waxaana munaasibadaasi  ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga  Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad  Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Maxamed Xaaji Yuusuf  Wabeeye, Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Xildhibaano  Cuqaal, Haween iyo Dhallinyaro ka soo jeeda beesha  Gabooye.
Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye oo munaasibadaasi   ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in mustaqbalka dhaw ay  beesha Gabooye Madaxweyne ka noqon doonto Somaliland, waxaanu u soo jeediyay in u dul-qaataan dhibaatooyinka la soo gudboonaadda.
 
Waxaanu  yidhi “Dhibaatada dadku wuu soo wada maraa,  adduunka 50 sano dabadeed ismuu lahayn, Maraykanka  ayaa nin madawi  ahi Madaxweyne ka noqon.  waxaanan  u malaynayaa 30 sano dabadeed in beesha Gabooye dalka ay Madaxweyne ka noqon doonto, ayaanay  niyad jabin idinku ridin dhibaatooyinka idinla soo gudboonaada.  dhibaatada waa  la soo wada maray, waxaana lagaga baxayaa qalbi adayg,  calool adayg iyo hiigsi fog”.
 
Sidoo  kale  guddoomiye  ku xigeenka koowaad  ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah   u soo dhaweeyay taageerayaashan ka soo jeedda beesha Gabooye ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanu  tilmaamay inay  hore uga mid ahaayeen, basle ay mar kale muujinayaan taageeradooda dhabta ah.
Maxamed Kaahin oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa  uu yidhi “ Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin xafladan ay soo qaban qaabiyeen taageerayaashan xisbiga Kulmiye hore uga tirsanaydeen, waanan idinku soo dhaweynaynaa xisbiyadda marka la dooranayo waxa doortaa in hal abuur la yimaadaan bulsahdda wax ku kordh
iya, anagaa iyo mucaaradku waxa aanu isdheernahay xisbiga Kulmiye hal abuur ayuu la yimid, ujeedooyin uu doonayo inuu kor ugu soo qaado bulshadda ayuu la yimid”.
Dhinaca kale Suldaan Nadiif Seed Jibriil oo ka mid ah salaadiinta beesha Gabooye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in beesha Gabooye Madaxweyne Siilaanyo wax badan u qabtay beesha Gabooye isla markaana ay taageersan yihiin.
“Waxaan   sheegayaa waxa Madaxweyne Siilaanyo u qabtay beesha Gabooye, waxaana uu sameeyay wax aanay Madaxweyneyaasha caalamku samayn waxbarasho maanu lahayn hadaanu beesha Gabooye nahay, waxaana miisaaniyadda xukuumadda ku jirta 22 qof oo beesha Gabooye ah oo Jaamacadaha dibada loo diray.  Waxa kale oo uu kharash ku  bixiyey in aanu halno 7 xubnood goleyaasha deegaanka ee goboladda, waxaan leeyahay anagu xisbiga Kulmiye iyo xukuuamdda ayaanu nahay, kaasi ayaanu ku dhimanaynaa”.
 
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa  tilmaamay in xukuumadda Kulmiye waxqabad la taaban karo dalka ka fulisay.
Waxaanu  yidhi “Xukuumadda Kulmiye wax badan ayay qabatay oo ay ka mid tahay tacliinta bilaashka laga dhigay, miisaaniyadda ay laban laabeen, lacagtii laga badalay goboladda bariga iyo darajadda ay siiyeen ciidanka ee hore loogu dhici waayay, waxaanan leeyahay hadaynu Gabooye nahay xaga xukuumadda yaan laynaga xigin, sababtu waxa ay tahay iyada ayaan cudud ku helaynaa”.
 
Waxa kale oo iyagna munaasibadaasi hadallo ka jeediyay   Cuqaal, Haween, Dhallinyaro ka soo jeeda beesha Gabooye, waxaanay dhamaantoodba sheegeen in ay hore iyo imikaba taageersan yihiin xukuuamdda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana afka beesha aanay ku hadli karin  ashkhaas gaara oo uu dabada ka wado nin kursi doon ahi.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply