Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuu (siilaanyo), ayaa ka tacsiyadeeyay saddexda ciidan qaran, gaar ahaan ciidanka Booliska geeridii ku timid Alle ha u Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo shalay ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mid ah u diray, Ugaasyadda, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuum Cilmi Rooble Furre, oo markii u danbaysay ka tirsanaa sulaadiinta Somaliland ee gobolka Awdal, waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay Rukun ka mid ahaa rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.
Alle ha u naxariistee Marxuum Cilmi Kabaal, ayaa sidoo kale waxa uu marar kala duwan xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland isagoo ahaan jiray taliyaha ciidamadda Booliska.
Sidaasina waxaa lagu sheegay tacsi uu xalay soo saaray madaxweyne Siilaanyo, taasi oo u dhignayd sidan:
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.
waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
—