Madaxweynaha Oo Saddexda Ciidan Qaran iyo Madax-dhaqameedka Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Marxuum Cilmi Kabaal

0
562

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuu (siilaanyo), ayaa ka tacsiyadeeyay saddexda ciidan qaran, gaar ahaan ciidanka Booliska  geeridii ku timid  Alle ha u Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo shalay  ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
 
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu   tacsi taa la mid ah u diray, Ugaasyadda, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland  ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuum Cilmi Rooble Furre,  oo markii u danbaysay  ka tirsanaa  sulaadiinta Somaliland ee gobolka Awdal,  waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay Rukun ka mid ahaa  rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.
Alle ha u naxariistee Marxuum Cilmi Kabaal, ayaa sidoo kale waxa uu marar kala duwan xilal ka soo qabtay  xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland isagoo ahaan jiray taliyaha ciidamadda Booliska.
Sidaasina waxaa lagu sheegay tacsi uu xalay soo saaray madaxweyne Siilaanyo, taasi oo u dhignayd sidan:
 
 
 
 
 
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska,  oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska  Marxuum   Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.
 
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.
 
waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 
 
 

Leave a Reply