Wasiirka Warfaafinta Oo Maanta Boorama Ka Furaya Laanta Uu TV-ga Qaranku Ku Yeelanayo Magaaladaasi

0
390

Boorame(Dawan):  Tv-ga Qaranka,ayaa xalay barnaamijyadiisa si toos ah looga baahinayay xarunta TV-ga  Qaranku uu ku yeelanayo magaaladaBoorame  ee Xarunta Gobolka Awdal.
Xarunta  TV-ga Qaranka ee magaalada Boorame oo aad loo qalabeeyay  ayaa  xalay laga baahinayay  barnaamijyo toos ah oo ka baxayay TV-ga Qaranka iyadoo ay ku sugnaayeen Xarunta  Boorame looga furayo TV-g Qaranka  farsamayaqaanada TV-ga Qaranka.
 
Waxaa kale oo saaka Xarunta TV-ga Qaranka si rasmi ah u furaya Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi galinta Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo wefti uu hoggaamiyanaa ku sugan yahay magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.
dhinaca kale wasiirka warfaafinta  dhaqanka iyo Wacyi galinta Somaliland oo uu wheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir oo shalay socdaal  shaqo ku yimi magaalada Boorame,ayaa kulamo kala duwan waxay la yeesheen Masuuliyiinta heer gobo iyo degmo ee gobolka Awdal iyo magaalada Boorame waxaanay ka wada hadleen masuuliyiintu sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Qaranka loo hayo iyo sidii loo sii dar dar galin lahaa habsami u socodka shaqo maalmeedka Qaranka.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply