Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Maraykanka iyo Canada

0
330

Hargeysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay u ambabaxay dalalka Maraykanka iyo Kanada, halkaas oo ay kulamo kula yeelan doonaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadamadaaasi.
 
Madaxweyne ku xigeenka oo intii aanu u ambabixin safarkiisa warbaahinta la hadlay waxa kale safarkoodu uu qaadan doono muddo saddex todobaad ah.
 
“Maanta (shalay) waxaanu u kicitimaynaa dalalka Maraykanka iyo Kanada, socdaalkaas oo aanu rajaynayno inuu nagu qaato muddo saddex todobaad ah oo aanu ku soo mari doono hawlo shaqo oo ah wixii noo qabsoomi kara.
Sida   in aanu Jaaliyadaha reer Somaliland ee waqooyiga Maraykanka degen aanu isku soo xogwarano ayaanu u kicitimaynaa iyada oo uu nala socdo Wasiiru dawlaha Wasaarada waxbarashada Axmed Nuur Faahiye iyo la taliyahayga gaarka ah. Waxaanu rajaynaynaa INSHA ALLAH in safarkaa aanu guul ka soo hoyno.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ay wehelinayeen Wasiiru dawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye iyo la taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne  ku xigeenka Sakariye Daahir Cigge, ayaa sheegay inay rajaynayaan in safarkoodu guul ugu soo dhamaado, isla markaana ay xog badan is-weydaarsan doonaan  Xukumadda iyo Jaaliyaddaha Somaliland ee halkaasi ku nool.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply