Riyada Iyo Sida Ay u Rumawdo

0
567

Imaam Maalik Binu Anas RC, ayaa Wuxuu ku Riyooday Malakul Mowt oo dul taagan, ka dib Wuxuu Weydiiyey: “ goormaan dhimanyaa, maxaa iiga hadhay nolosh “? Malakul Mowtkii Shanta Farood ayuu u taagay. Markii  Imaam Maalik Binu Anas Hurdadi ka Toosay wuxuu ula tagey Riyadii inuu u Fasiro Riyo Fasirkii caanka ahaa ee Maxamed Binu Siirin (RC), markii uu sheegayna wuxuu ku yidhi:
“Shantii Farood ee Malkul Mowtku Riyada Dhaxdeeda tilmaamay inay tahay Shanta arimood ee maqanaha ah (Qaybka)  ee ilaahay uun Ogyahay مفاتيح الغيب, Cid kalena aan la Ogaan Karin, wuxuuna ugu Fasiray Riyadii Aayadaan Quraanka ah:-
إِنَّ اللَّـهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿سورة لقمان 34
oo Micnaheedu yahay:- “Allah Agtiisa ayuu yahay Ogaanshaaha Sacadda Qiyaame iyo Roob Di’iddu, wuxuuna Ogyahay waxa Makaanka (Ilmo galeenka) ku jira, Nafna ma Oga waxay Mudan doonto Berri, Nafna ma Oga Dhulka ay ku Dhiman doonto, Allah ayaa Og, kuna Xeel dheer”.  Maqanaha Allah (sw) aya og.
 

Leave a Reply