Wadanka Chine Oo Soo Saaraaya Tareenkii Ugu Horeeyey Ee Ku Shaqaynaaya Hydrogen

0
342

Wadanka Chine ayaa markii ugu horeysay soo saaray tareen noociisu caalamka ku cusub yahay, kaas oo ku soconaaya hydrogen,waxaana meesha ka baxaaya shidaalkii uu isticmaalaayey tareenkaasi.
Tareenkan ayaa ku jira tijaabadii ugu horeysay ,iyada oo samayntiisu ka socoto magaalada lagu magcaabo Qingdao oo ku taala Koonfur Barri wadankaasi Chine,waxaanay barri kasii xigtaa caasimada Beijing,waxaanay khubarada gacanta ku haysaa sheegeen inuu qaadan doono laba sanno ugu yaraan dhamaystirkiisu.
Samaynta tareenkan waxa gacanta ku haya shirkad lagu magcaabo  South Chine  Railway Hodeidah,taas oo inta ugu badan soo saartay qaybo kamid tareenada dalkaasi ka shaqeeya.
Tareenkan ayaan wax khatar ah ku keenayn hawada wadankaasi ,madaama oo aanu sii daynayn wax nitrogen ah ,waxaana aad loo xadidi doonaa kulaylkiisa,iyada oo aanu marnaba gaadhi doonin 100 celcuis ka,waxaanu ka koobnaan doonaa 60 kursi ,isaga oo qaadi doona rakaab tiradoodu dhan tahay 380 qof ugu yaraan.
Wadanka Chine ayaa hawo ahaan noqday sannadkii 2014 kii mid hawo ahaan  aan nadiif ahayn,waxaanay gaadhey hawo xumadeedu  90%,gaar ahaana magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ,sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda degaanka  ee wadankaasi Chine.
 

Leave a Reply