Daraasad ay dhowaan sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Hokkaido University ee dalkaasi Japan ayaa lagu sheegay in shan waxyaalood ay saameeyaan maskaxda kuna keenaan dhaawac xoogan,taas oo keeni karta inuu qofku noqdo mid waalan ama ilawshiiyaha iyo faham la’aantu ku badato.
Waxaanay kooxdan khubarada ahi soo saareen liis ay kusoo qoreen waxyaalahaasi ay sheegeen inay dhaawaca soo gaadhsiiyaan maskaxda dadka,waxaana kaalinta kowaad galay Fuuq Baxa ama biyo la’aanta oo ay sheegeen inay maskaxda wax badan u dhinto,waxa isaguna kaalinta labaad galay Cabitaanka Sigaarka oo ay sheegeen inuu madoobeeyo qaybo badan oo jidhka kamid ah xidhiidh toosana la leh maskaxda.
Kaalinta saddexaad ayay geliyeen hurdo la’aanta oo ay sheegeen in sumihii maskaxda laga maydhi lahaa waqtiga la hurdo inay noqonayaan kuwo ku kaydsama halkaasi taasina ay keento dhaawaca ku yimaada maskaxda,iyada oo ay kula taliyeen dadka inay seexdaa 7 ilaa 8 saacadood maalintii.
Kaalmaha kalena waxa iyaguna galay daroogooyinka kale ee la isticmaalo iyo khamriga oo noqday kuwo maskaxda dhibaato soo gaadhsiiya,waxaanay khubaradani sheegeen inay sameeyaan neerfaha maskaxda taga oo ay ku keenaan inay dhintaan ,taasina ay keento inay waxyeelo soo gaadho maskaxda oo ay dhaawacanto.