“Ragii Kharashkii Dugsiga Boodhinka ahaa Cunay Ayaa Doonaya Inay Ka Hadlaan Masiirka Gabooye” Suldaan Nadiif

0
341

Hargeysa (DAWAN)- Suldaan N adiif Saydh Jibriil, oo ka mid ah salaadiinta waa weyn ee beelaha Gabooye ee Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ay dawladda ku naqdiyayeen xubno madax-dhaqameed ah oo ka soo jeeda beeshiisa oo uu ku eedeeyay inay ku sifoobeen kala fogaynta iyo burburinta beelaha Gabooye.
Sudlaan Nadiif waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray shalay oo uu nuqul ka mid ah noogu keenay xarunta wargeyska DAWAN, Waxaanu qoraalkaasi ku sheegay in aanay masiirka beelaha Gabooye matali Karin rag uu sheegay inay cuneen kharash loogu tallo-galay in lagu  dhiso dugsi boodhin ah oo laga hirgelin lahaa xaafadda Daami ee caasimadda Hargeysa, waxaanu qoraalkiisa oo dhamaystirani u qornaa sidan:- Hal candhaysani geed ay ku xoqoto ma waydo, waxaan halkan iskugu yeedhay saxaafada ama jaraa’idka in aan ka jawaabo shirkii ay qabteen Suldaamadii garan waayay wixii loo soo doortay ee ku sifoobay kala fogaynta, burburinta iyo xumaanta ee ka soo jeeda beesha Gabooye.
Xisbiga Kulmiye, dawlada iyo shacabka Somalilandba waxaan raali-gelin ka siinayaa ceebtii ka timid Suldaanada iyo kuwo isku sheegaya boqorrada iyo aflagaadadii ay yidhaahdeen dad aan Gabooye ahayn ayay                KULMIYE iyo xukuumaddu  ka dhigeen Gabooye.
 
Sidaas darteed,  waxaan leeyahay markiii dadkii laga soo qaadayay daami iyo hawl wadaag maxay u odhan waayeen dadkani Gabooye maaha, waxaan ka mid ahaa dadkaasi daawanaayay boqorka oo lahaa ha raacina, dadkuna waxay ku jawaabayeen diidnay waxaan nahay dawlada, sidaas darteed,  waxaan halkan dadka u sheegayaa in karaamadii  Gabooye ay meel kaga dhaceen, waxaan halkan ka cadaynayaa in ragaasi ay dhabar jabin ku hayaan mustaqbalkii Gabooye oo   ay baabi’iyaan raga waxaana ka mid:-

  1. Dugsigii boarding-ka ahaa ee Maryan Mursal ay dhisaysay ee ay ugu tallo-gashay aqoonta beesha Gabooye kor loogu soo qaado ay lacagteedii ay ragaasi cuneen, lacagtaas oo dhamayd (50,000) dollar sidaasi darteed,  lacagtaasi waxaan ka rabnaa Daakir iyo Boqorka. Ragaasi cunay lacagtii dugsigaa ayaa maantana masiirka Gabooye majara habaabinaya oo doonaya inay dadka wareer galiyaan.  waxaanan halkan ka caddaynayaa una sheegayaa caalamka iyo dadka Gabooye ee Somaliland ku nool in aanay matalin beesha Gabooye mar haddii ay beesha Gabooye u horseedayaan dib u dhac.

 
Waxaanan hadalkayga ku soo gabo-gabeenayaa “Hal xaaraan ahi  nirig xalaala ma dhasho” idinkoo hantidii Gabooye cunay ayaad doonaysaan in aad TV-ga soo fadhiisataan waar isla yaaboo oo isqariya idinkoo kale maaha in aad hadalshaan waa in aad dhuumataan.
 
Waxay sheegteen inay hayadii ugu yeedhay Nairobi oo ay tahay hay’ad samo-fal oo guryo dhisaysa, markaa iyagu ma dowlad baa oo iyaga ka mas’uul ah hay’ada ay leeyihiin dalkay imanaysaa wixii hay’ad ah ee dhanka samo-falka dawlada ayaa ka mas’uula ee yaan shacabka Gabooye been loo sheegin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply