Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Gaadhay Washington Iyo Qorshaha Socdaalkiisa

0
352

Hargeysa (Dawan) – Wefti  balaadhan  oo uu hogaaminayo  madaxweyne  ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacliil (Saylici) ayaa shalay  gaadhay caasimada dalka Maraykanka ee Washinton Dc, iyadoo ay halkaasi  si weyn ugu soo dhaweeyeen jaaliyadda reer Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka oo markii uu ka degay  garoonka diyaaradaha ee   Washinton  hadal kooban u jeediyay dadweynihii  reer Somaliland ee ku soo dhaweeyay madaarka ayaa waxa uu uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo waftigan uu hogaaminayo.
 
Waxaanu   yidhi  “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan imaado wadanka Maraykanka oo aanu u soo galnay socdaal aad u dheer. Waxaan  aad iyo aad ugu mahadcelinayaa jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan  dalkan sida weyn noogu soo dhawaysay aniga iyo weftiga ila socdaba.”
 
Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka maraykanka Amb. Rashiid Gaaruf. oo soo dhawaynta madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa hadal kooban ka jeediyay.  waxa uu yidhi “Maanta waxa wadanka Maraykanka noogu yimid  oo aanu si diiran u soo dhawaynaynaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabadiraxmaan Cabadilaahi Ismaaciil (Saylici). Waxa halkan ku sugan dhamaan jaaliyadihii maraykanka gaar ahaan kuwii Washington Dc,MinnesotaColumbus iyo qaar kale. Dhammaantood waxay diyaar u yihiin soo dhawaynta madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigan la socda.”
 
Weftigan  uu hogaaminayo  madaxweyne ku-xigeenka ee gaadhay dalka Maraykanka ayaa waxa qorshuhu yahay in ay  kulamo is xog-waraysi ah la qaataan jaali daha kala duwan ee ku dhaqan dalkaas.
Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanku waxa uu sharaxaad ka bixiyay kulanada kala duwan ee uu madaxeyne ku-xigeenku la qaadan doono jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaas iyo halka uu uga sii gudbi doono. Amb. Rashiid Gaaruf waxa uu sheegay in maalinta sabtid ah madaxweyne ku-xigeenku uu kalan la qaadan doono jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Washinton maalinta sabtida ah, axadana uula kulmi doono jaaliyada ku dhaqan Minnesota, waxa kale oo uu kalan la yeelan doonaa jaaliyada ku dhaqan Columbus.
 
Marka ay weftigani dhamaystaan hawlaha shaqo ee ay u joogaan dalka Maraykanka waxay sidoo kale tagi doonaan wadanka Canada oo ay ku sugayaan jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan wadankaas.
Sidoo kale waxay madaxda wadamadaas kala hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo wadamadaas. Safarkan madaxweyne ku-xigeenku uu ku tagay wadanada Maraykanka iyo Canada ayaa ah mid qiime wayn ugu fadhiya hirgalinta qaranimada Somliland iyo sidii aduunka loogu soo bandhigi lahaa wixii ay qabsatay iyo waxa ay u baahan tahay in lala qabto.
By:Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply