Saynisyahano U Dhashay Wadamada Japan, Taiwan Iyo Australia Oo Helay Lafaha Dad Noolaa 10-19 Kun Oo Sanno Ka Hor

0
395

Saynisyahano u kala dhashay wadamada Japan ,Taiwan iyo Australia ayaa markii ugu horeysay daraasad ay si wada jira u sameeyeen ku helay dad noolaa waqtiyo hore oo laga joogo  10-19 kun oo sanno ka hor,kuwaas oo aad uga duwan siday sheegeen dadka maanta nool.
Baadhitaankan ayaa laga sameeyey jasiiradda Taiwan meelo kalmid ah ,gaar ahaana jasiiradda lagu magcaabo Penghu Island, waxaanay awood u yeelan waayeen khubaradaasi inay soo saaraan da’da iyo iyo nooca jinsi ee uu qofkaasi ahaa,laakin waxay ku guulaysteen inay baadhitaano ku sameeyaan lafaha qofkaasi ay heleen oo aad uga waaweyn kuwa dadka caadiga ah ee maanta nool,sidoo kalena waxay baadhitaano dheeraada ku sameeyeen daamanka qofkaasi.
Lafahan ayay ku sheegeen inay aad ula mid yihiin kuwa dadka lagu magcaabo Sinanthropus Pekinensis oo ah kuwo ku nool magaalada caasimada u ah Chine ee Beijing iyo kuwo kale oo lagu magcaabo Java Man ama Pithecanthropus oo iyaguna ku nool badhtamaha qaarada Aasiya.
Khubaradan ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dadka Bani’aadmiga ahi kasoo tafiirmeen  qaaradda Aasiya ,sida ay muujinayaan lafahani.

Leave a Reply